Hambalyo Hambalyo Ranbir Kapoor Oo Ku Guulestay Atooraha Ugu Wanaagsan (Best Actor)

 

 

Hambalyo jilaaga caanka ah Ranbir Kapoor ayaa ku guulestay abaal marinta in badan la sugaayey kudhawaqisteeda ee atooraha ugu wanaagsan (Best Actor).

Ranbir ayaa markii sedexaad abaal marintaan caawa hantay waxuuna iska bareejeyay ama la barbardhigay xidigo uu kamid yahay Aamir Khan oo tiro min 3 jeer horey ugu guuleesteen.

Run ahaantii Ranbir Kapoor wuu u qalmay abaal marintaan waxuuna ku qaata filmkiisa Sanju ee uu shaashada inooga yaabiyay bandhig ahaan inaba caadi ma ahan sida uu isugu ekeeysiiyay Sanjay Dutt muuqaal ahaan iyo jiliin ahaanba.

Ranbir ayaa gudoomay abaal marintaan dad badan ayaa islahaa Ranver Singh ama Shah Rukh Khan ayaa hanan doonaan balse shirkada Filmfare Awards caawada waxaa la dhihi karaa si cadaalad ah ayee wax u bixisay Ranbir waa mid u qalmay abaal marintaan xaqiiq ahaan maadama filmka Sanju si weyn kaga baxsaday.

Hambalyo Hambalyo Ranbir Kapoor iyo taageerayaashiisa waxuu caawa Ranbir noqday atooraha sanadka laga daba dhacay hogaanka u hayo dhamaan atoorayaasha dhanka qaab jiliinka sanadkaan..

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin Oo Ku Dhufato Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah Kudhufo Mahadsanid…

1 Comment

Comments are closed.