Hambalyo Vicky Kaushal Oo Ku Guulestay Abaal Marinta Atoore Caawiyaha Ugu Wanaagsan Iyo Guuleestayaal Kale!!

Jilaaga caanka ah Vicky Kaushal ayaa si rasmi ah loo gudoonsiiyay abaal marinta atoore caawiyaha ugu wanaagsan Bollywoodka 2019  (Best Supporting Actor) waxuuna ku qaatay bandhigiisa wacan ee filmka Sanju.

Balse kaligiis kuma guulesan sido kale jilaaga Gajraj Rao ayaa dhankiisa la gudoonsiiyay abaal marinta atoore caawiyaha ugu wanaagsan waxuuna ku qaatay mashruuciisa Badhaai Ho.

Abaal marinta atiriisho caawiso mida ugu wanaagsan (Best Supporting Actress) waxaa ku guulesatay xiddigta Surekha Sikri waxayna ku qaadatay bandhigeeda wacan ee mashruuca  Badhaai Ho.

Filmka kaalinta labaad galay ee ugu wanaagsan sanadka waa AndhaDhun ee Ayushmann Khurrana wax ka jilay  (Best Critics Award Film) abaal marinta filmka labaad ee sanadka ugu wanaagsan ayuu ku guulestay.

waxaan sugnaaba waa abaal marinada waawyen sida filmka ugu wanaagsan, atooraha ugu wanaagsan iyo atiriishada ugu wanaaagsan goordhow ayaana lasoo bandhigi doonnaa..

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin Oo Ku Dhufato Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah Kudhufo Mahadsanid…

2 Comments

Comments are closed.