Heeskii Kowaad Ee Filmka Simmba Oo Lasoo Bandhigay Ranver Iyo Sara Dance Wacan Ugu Imaaw (+Video)

Waxaa si rasmi ah loo soo bandhigay heeskii kowaad ee filmka Simmba taaso la magac baxday Aankh Marey waana hees Dance ah oo ay Ranver Singh iyo Sara Ali Khan ku fara yareesteen.

Arinka xiisaha leh ayaa ah in heeskan ay kasoo muuqdeen jilayaasha filmka Golmaal sida Arshad Warsi iyo dhamaan shactiroolayaasha mashruuca taxanaha ah ee Golmaal si heer sare ah ayeena xidigahan ugu midoweyn heeskan.

Dhowaan ayaa lasoo bandhigay goos gooska dhameestiran ee filmkaan kaaso uu Ranver Singh si weyn ugu kaabeyay halka Sara Ali Khan muuqaalkeda quruxda badan ee soo jiidashada ah daawadayaasha ka heleen.

Sido kale mashruucan waxaa muuqaal marti ah kuleh Super Star Ajay Devgan waxaana si rasmi ah tiyaatarada loo saari doona 28 bishaan December isagoo fasaxa sanadka cusub ka faaideysan doono.

Dhanka kale heeskan Aankh Marey asal ahaankeda waa hees 90-maadkii la duubay kuna jirta filmka Tere Mere Sapne (1996) waxaana heeskan horey u jilay jilaaga Arshad Warsi oo mashruucan wax ka jilay.

Simmba waa dib usameynta Temper Rohit Shetty ayaana Director ka ah halka Karan Johar maalgalinaayo fadlan halkaan hoose ka daawo heeska Simmba laga soo bandhigay..

 

1 Comment

  1. Bollywoodkii way kaceen Heestu waa Copy filimku waa Copy, xitaa hees fiican ayaanay samayn karayn in ay kuwoodii hore dib u cusboonaysiiyaan mooyee

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*