Hooyo 50 sanno jir ah oo marwalba maseyr ku abuurta gabdhaha saaxiibka la ah wiilasheeda (Sawirada daawo ka dibna xaqiiqda ogoow)

Puspa Dewi waa hooyo dhashay laba wiil, taasoo dhowaan u dabaaldegtay sannad guurada dhalasheedii 50aad.

Si kastaba ha ahaatee, maadaama ay Puspa Dewi tahay mid muuqaal ahaan u eg gabar dhallinyaro ah, laguna qiyaasayo 25 sanno jir oo kale. Waxaa marwalba dhibaato ku qaba wiilasheeda maadaama ay kaga maseyraan gabdhaha ay saaxiibka la yihiin.

Puspa Dewi oo degan caasimadda Jakarta ee Indonesia ayaa sidoo kale xiddig ka ah Instagram-ka, halkaasoo ay macaamiil ku dhow 300 kun oo saaxiib. Laakiin marwalba oo ay soo dhigto sawirro ay kula jirto labadeeda wiil waxaa adag inay dadku rumeystaan inay iyadu dhashay.

Maama Puspa Dewi ayaa daaha ka qaaday in quruxdeeda iyo dhallinyaro-nimadeedu aysan salka ku heyn dawooyinka la isku qurxiyo (Beauty products) ama qalliinnada la isku qurxiyo (Plastic surgery). Hase yeeshee, ay si dabiici ah u tahay qof waji ahaan dhallinyaro ah.

Sidoo kale oo ah ganacsato Puspa waxay tilmaantay inay caawinaad ka hesho cunnooyinka isku miisaaman ee ay cunto iyo jimicsiga ay sida joogtada ha u sameyso.