Hordhaca Bandhiga Caawa Ee Raw

Caawa Bandhiga Raw Waxa Uu Ka Dhici-Doona  The state Farm Arena Magaalada Atlanta Gobolka Georgia

Waxyaabaha Ugu Muhiimsan Bandhiga Caawa

** caawa qof walba oo taageero musaracada waxa uu Indhaha ku hayaa soo laabashad xidiga Roman Reings kaaso dhawaan la maqnaa cudurka kansar leukaemia

Roman ayan lagu arkin bandhiga Raw tan iyo bishii October sanadkii hore waxaana qof walba uu sugi la’yahay waxa caawa uu ku dhawaaqi doono xidiga Roman

sidoo kale taageerayaasha Musaaracada ayaa waxa ay rajeenayaan in xidigan uu ka qayb-galo bandhiga ugu weyn wwe Wrestlemania kaaso dhici doona bisha soo aadan

*** kaliya Roman muusan qaadanin hadal-haynta bandhiga caawa sidoo kale waxaa caawa bandhiga raw lagu arki doona halyeeyga Musaaracada Rick Flair

kaaso caawa xaflada qaas ah ku dhigan doona bandhiga isagoo u dabaal-dagi doona dhalashadiisa 70aad

*** sidee ayay Ronda Rousey ugu jawaabi doonta weerarkii ay bandhiga Elimination Chamber ay kala kulantay Becky Lench taaso laga ganaaxay riingaha muddo 60 maalmood

waxaana booskeeda Wrestlemania lagu badalay gabadha lagu magacaabo Charlotte Flair su’aasha taagan ayaa waxa ay tahay Miyee becky caawa lagu arki doona bandhiga raw weliba iyadoo ganaaxan


*** yaa noqon doonan challengers cusub ee labada gabdhood ee kala ah Bayley iyo Sasha Banks kuwaaso sheegayn inay diyaar u yihiin suunkooda inay difaacdaan bandhig walba iyo waqti walba

F-G : Dhamaan Waxyaabaha Ka Dhaca Bandhiga Raw Waxaa Idin-Soo Gudbin-Doona Berito Natiijooyinkiisa Inshallah Mahadsanidiin