Hordhaca caawa iyo bandhiga Raw

Bandhiga raw caawa waxa uu ka dhici doona Garoonka kay arena Centre  magaalada Seattle   ee gobolka Washington
Waxa uu bilaaban doona 8:30 xilliga mareekanka saacada geeska afrikada ay tahay 9:30.
Caawa bandhigan Raw waa bandhigii ugu dambeeyay ka hor bandhiga weyn ee taariikhiga kaaso ka dhici doono Australia ee super shown down taaso ah mid taariikhi ah oo ay kasoo qayb geli doonan taageerihii ugu badnaa abid

waxyaabaha ugu xiisaha badan Bandhiga caawa


ka dib markii usbuucii hore xidiga dean ambrose uu daacadnimo u muujiyay isagoo doortay inuu la jiri doona lana aadi doono Australia si ay u wajahaan kooxda ka kooban braun strowman dolph ziggler iyo drew waxaana caawa si weji ka weji ah isaga hor imaan doonan kooxda the Sheild ka hor ciyaartooda bandhiga super show down


caawa waxa la sugaya inay dhamaan kasoo muuqdaan halyeeyada kala ah shawn Michaels iyo kane iyo labada nin is wajahaya ciyaartaee kala ah the undertaker vs triple h waana mid xiiso badan

shawn Michaels ayaa garab istaagi doona triple h si uu u guuleysto halka kane isna uu garab istaagi doono walaalkiisa the undertaker si uu u caawiyo waala arki doona mid walba waxa uu caawa ka yiraahdo bandhiga sabtida ee super shown down

kevin owens  vs Bobby Lashley caawa waxaa isla ciyaari doona labadan xidig waxaana bobby lashely sidoo kale uu iska ilaali doona elias laakiin waxaa macquul ah in bobby uu caawa caawin doona John Cena oo ay labadooda bandhiga Australia la ciyaari doonan elias Iyo kevin owens

xaga gabdhaha waxaa caawa ciyaari doonan gabadha hogaaminaysa kooxda the riot squad ee Rubby riot iyo gabadha ka haysata wwe universal champions gabadha la yiraahdo ronda rousey waxaana garabkeeds istaagi doona the bella twins ee brie bella iyo nikki bella ka hor ciyaartooda bandhiga super show

F-G:Waxan u taaganahay inan idin soo gudbino
Waxyaabaha ka dhaca bandhiga caawa ee raw waxan idin soo gudbin doona iyagoo dhamaystiran maalinta berito Insha allah