Home Nolosha Jilayaasha Hrithik Waa Atooraha Kangana Abid Jaceyl Dhaba U Qaaday Maantana Isagee Ugu...

Hrithik Waa Atooraha Kangana Abid Jaceyl Dhaba U Qaaday Maantana Isagee Ugu Necebtahay Dad Iyo Xiriirkii Bur Buray Ee Lamaanahan!!

 

Kangana Ranaut iyo Hrithik Roshan waxaa dhexmaray xiriir kusoo dhamaaday taariikh lama ilaawan ah iyo dagaal Bollywoodka dhan la yaabeen hadaba waxaan idiin heynaa xidigahan xiriirkii dhexmaray min bilaaw ilaa dhamaaed.

Fadlan Halkaan Hoose Kaga Bogo Hritik Iyo Kangana Xiriirkii Dhexmaray Iyo Sida Uu Ku Dhamaaday:

Sanadkii 2010:

Kangana waxay sheegtay in ayada iyo Hritik ay isbarteena amaba uu xiriirkooda soo bilawday sanadkii 2010 sanadkaaso ay isla sameynaayen filimkii Kites kaaso ahaa filimkii ugu horeyay oo ay kawada shaqeyaan.

Sido kale kangana waxay sheegtay inuu Hritik xiligaasba uu doon doonayey aadna u daneynaayey wuxuuna markale iiso bandhigay ayee tiri filimka Krrish 3 kaaso howshiisa isla sanadka 2010 dhamaadkiisa bilawatay.

sikastee ahaataba Kangana wey iska diiday sameynta filimka Krrish 3 maadama ay sheegtay ineysan dooneynin in ay markale la shaqeyso nin xaasle ah ayadoo hadalo in laga sheeg sheego ka carareysay oo dadka xantooda diidaned balse Hritik ayaa noqday kii had iyo jeeraba ku adkeeya oo ku qanciya sameynta filimkaas.

Waxay kaloo shegtay inee u diidaned filimkaas sameyntiisa inee yasaneed qaab jiliinkeeda xiligaas maadama doorkeda filimka Kites ay aad udhaliishaned xidigtaan sidaa awged Rakesh Roshan ayaa usoo bandhigay markale sameynta filimkaan ayadoo xiligaas reer Roshan xushmad weyn uheeso ayee si dagdag ah ku aqbashay inee sameyso filimkaan.

Sanadkii 2013:

Sameynta filimka Krrish 3 ayaa qaadatay mudo sedex sano ah mudadaas dheerna Hritik iyo Kangana waxay wada qeebsadeen jaceyl aad loo dareemay taaso kaliftay in xaaska Hritik ee Sussanne dalbato furiin.

hadaba waqtiyadii dahabiga ahaa ee ay wada qaaten xidigahan waxaa kaliftay in jaceylka uu ubato dhanka Kangana maadama ay aad iyo aad u jeclaatay ayadoo wanaag badan kala kulantay dhanka Hritik.

jaceylkii ka dhaxeyay labadan qof qaasatana u badnaa dhankaKangana waxay ka liftay in Kangana ayadoo ku sugneed xiligaas Newyork ay gabayo iyo geeraaro jaceyl usoo qori jirtay wiilka ayjeclaaay xiligaas sida ay ayada wareysiga ku sheegtay.

Waxay Hritik ku qeexday kan la jeclaado midka ugu qiimaha badan, hadaladii jaceylka ahaa ee Kangana waxaa kamid ahaa

” Wuxuu kamid yahay Ragga kuwooda ugu wanaagsan kuwaaso aadan abid la kulmi doonin hadii aad nasiib badantahay mooyee, ma ahan Ragga hadalada maala yacniga ku hadla ama hadal sarbeeb ah qofka kudhaha ee waa qof inbadan xishood badan oo aad udagan taxadir badana leh.”

“Hadii aad heesato qof inbadan wanaagsan nolosha 24 saacba si qurux badan ayee kugu soo mare xaqiiqdii wanaagisaa badan taasona ka dhigtay asiga in qof walba si dhaqsi ah ula qabsado dabeecadiisa si dhaqsi ahna wax walbo looga aqbali karo.”

Kangana ayaa sidaa tiri xili ay xayeysiin usameyneesay filimka Krrish 3, sanadkaas dhamaadkiisa ayee ahed markii ay Sussanne Khan kadalbaneysa Hritik furiin maadama waxwalbo xiligaas cadaadeen.

Sanadkii 2014:

Kadib markii la daawaday filimka Krrish 3 sido kale Sussanne goaansatay in ay Hritik ka fogaato oo uu furo Kangana iyo HR waxay iska sii wateen xiriirkooda, Hritik wuxuu Kangana u balan qaaday guur hadii uu furo xaaskiisa maadama y furiin ka dalbatay ayada.

kadib wixii farxad lagu dhexjiro Kangana ay ayadana saxaafada had iyo jeer wareysi siineysay sido kalena ay ku cadeyneysay waxwalbo iyo jaceylka ay u qabtay HR, waxaa markii dambe dhacday in Kangana niyad jab ku bilawday kadib markii HR dhankiisa ay ka weysya daryeelkii iyo dhankeeda uu ubadnaa markasta.

maadama ay ka shakisay dhaqanka HR qaasatan marku kusugnaa goobta Manali halkaaso uu ku duubayey filimka Bang Bang sido kalena Kangana waxay tiri HR wuxuu xiriir la sameystay atariishada filimkiisa uu kuduubayey goobta Manali.

waxaa la gaaray maalintii jaceylka aduunka Kangana sanad walba sida caadada ahed HR ayee ka sugeysay inuu soo waco maalinta jaceylka aduunka (Valentine’s Day), sidaa awged markii uusoo wici waayey ayee wacday weydiisayna sababta uu usoo wici waayey wuxuuna ugu jawaabay oraahda ah “Oo maxaan Kuu Soo Wacaa”, Kangana wixii markaa kadambeyay HR shakigi ay ka qaaday oo ahaa inu xiriirkeeda iska dhaafay ayaa u cadaatay waxayna goaan ku gaartay gabi ahaanba inee HR is ilaawsiiso xiriirkana ujarto.”

Intaa kadib waxaa la daawaday Kangana Filimkeeda Queen kaaso guul wacan gaaray kadib guusha Kangana Hritik wuxu markale iskudayey inuu soo ceshto saaxiibtiisa waxayna kuwada hadleen oo ay ku kulmeen xaflada Karan Johar ee dhalashadiisa aawged udhigtay sido kalena Hritik iyo Kangana na ay kasoo wada qeeb galen waana xiligii ay Kangana iyo Karan isku fiicnaayeen.

Sanadkii 2015:

HR wuxuu sanadkaan iskasii watay inuu maslaxeeyo Kangana sida ay wareysiga kusheegtay maadama dhacdadan aan kahadloona gabi ahaantedaba ay ayada ka sheekeesay, hadaba Kangana umasoo jeedin HR arinka uu wato oo ayada dhankeeda wey ka niyad xiratay dhanka HR.

Intaa kadib waxay Kangana la hadashay Hritik aabihiisa waxayna ka codsatay inuu Hritik balamiyo goaan kama dambeesna gaaran sido kalena asiga goob joog ahaado si xiriirkaas gabi ahaanba halkaas loogu sooxiro, intaa kadbi Mr. Roshan ayaa maalmo kadib soo wacay Kangana una sheegay in HR gabi ahaanba soo afjaray xiriirka aana loo baahnen wax kulan ah oo sidaas sheekada kudhamaatay.

wixii intaa kadambeyay Kangana iyo Hritik xiriirkooda halkaas ayuu kudhamaaday sanadkii 2016 iyo waliba sanadkaan waxay wadaan labadaan xidig dagaal afka ah oo saxaafada ay isku weeraran ama baraha bulshada.

waxaana dagaalkan afka ah ubadan Kangana oo ilaa iyo hada seefteda usiibata wareysiyadana kuhesha HR ayadoo halkaas duqeen culus oga geesata.

“Xaqiiqdii Aadbaan U Jeclaa Hritik Balse Asiga Ayaa I xumeeyay”

“Wuxuu Is ticmaali jiray Passwordka Emailkeyga asigoo fariimo Emailkisa isugu diraayo”

” Markuu Hritik I arko Aniga wuu iga ordaa xaqiiqdii”

“Wuxuu Rabay Inuu ixiro oo uu xabsi idhigo 2 sano ah maadama aan xiriir asiga la sameystay”

iyo hadalo kale kaga bogo maqaalka kale ee aan kasoo qoreyno eedeynta ay kasoo jeedisay guud ahaan Kangana Hritik maadama maqaalkan aan kaga hadleynay xiriirkooda jaceyl siduu kubilaawday iyo sida uu kudhamaaday.

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin ku dhufatoXayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Caunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah ku dhufo Mahadsanid…




WARARKA UGU DANBEEYAY

Wararkii ugu dambeeyay Koonfur Hindiya: Tamil, Telugu, Malayalam iyo Kannada maxaa ka jiro

  Maalin wanaagsan dhamaan aqristayaasha shabakada Filimside ku xiran kuna soo dhawaadao barnaamijkeena aan idin kula wadaagno warbixino kooban oo ku saab saabsan dhanka fanka...

Ahan Shetty iyo Tara Sutaria filimkooda Tadap oo dib u dhac ku yimid duubistiisa

  Ruug cadaa Suniel Shetty wiilkiisa Ahan Shetty waxaa lagu soo caan bixinaa filimka Telugu ah ee Blockbuster-ka weyn noqday RX 100 oo loo bixiyay...

Rasmi: Filimka The Lion King iyo Isniintiisa kowaad ganacsiga weyn uu sameeyay

  Filimka Hollywood-ka ah The Lion King ayaa hoos u dhac 30% sameeyay Isniintiisa kowaad ganacsi ahaan marka lala bar bar dhigo Jimcadiisii kowaad lacagaha...

Rasmi: Filimka Super 30 iyo ganacsiga adag uu sameeyay Isniintiisa labaad

  Superstar Hrithik Roshan filimkiisa Super 30 ayaa ganacsi adag sameeyay Isniintiisa labaad wuxuuna keenay 3 Crore ($434k) waxayna ka dhigan tahay mudo 11-maalmood ah inu soo...