Ileen Abhishek Waa Xariif Faraanti Aan Dheeman Ahen Ayuu Aishwarya Guur Kaga Dalbaday Hada Kahor!!

Abhishek Bachchan iyo Aishwarya Rai Bachchan lamaanayaasha Bollywoodka loogu jecelyahay ayee kamid yihiin nolosha dhabta ah iyo shaqo ahaanba.

Abhi sanadkii 2007 ayuu la aqal galay atirishada Aishwarya waxayna hader u heysaa gabar yar oo lagu magacaabo Aaradhya, jilaagan sheeko cajiib ah ayaa laga diiwaan galiyay sanadkii 2007.

Waxay markaas dhameeyeen howsha  filmka Guru waana bilawgii sanadkii 2007 isaga iyo Aishwarya waxayna ku sugnaayen New York xaqiiq ahaan markaas ma uusan qorsheeynin in uu Aish u bandhigto guur balse si kadis ah ayuu ku goaansaday.

Waxuu Aishawrya usoo kaxeeyay habeenimo dabaq weyn oo New York ku yaala kaaso magaalada oodhan laga arki karo waana meel kore oo cidlo ah misane loogu talo galay dad si qaas ah u wada sheekesanayaan.

Abhishek si kadis ah ayuu kaga codsaday Aishwarya guur halkaas weyna ku faraxday ayadoo durba ka aqbashay balse sheekada xiisaha leh ayaa ah in faraantiga uu guurka kaga aqbalay uu ahaa mid bug ah ama faraanti aan dheeman ahen mid iska caadi ah.

Filmkiisa Guru ayuu faraantigaas ku jilay Aishwarya markii hore ma aysan fahmin balse daqiiqado kadib markii ay Faraantiga ku mashquushay ayee aragtay inuu yahay midkii filmka uusan ahen midkii dheemanka ahaa waxayna bilawday inee bursato halka isagana uu qosol kujiray kana cararaayey.

Abhishek waa kaftanlow Aishwarya xili uu guur ka dalbnaaayey ayuuba sidaa ula kaftamay sheekadana waaxaa shaacisay Aishwarya sanado kadib arooskoda…

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*