Immisa Lacag Ayay Siiyeen Bollywood-Ka  Shaqiyaadka Aflaamta Sheekadooda Laga Sameeyay

Sanadahan Dambe Bollywood Ka Ayaa Waxa Kusoo Badanaayay Sameynta Sheekooyin Ay Leeyihiin Shaqsiyaad Caan Ah Kuwaaso Guulo Usoo Hoyay Wadankooda Waana Mid Si Weyn U Gadmay Waxaana Laga Helay Macaash Fara Badan

Sida Filimka Sanju Oo Ka Hadlaayay Qisada Aktarka Sanjay Dutt Laakiin Waxa Marka Hore Qasab Ah In Qofka Sheekadiisa Filim Laga Sameenaayo In Lagala Heshiiyo

Ka Dibna La Ambaqaado Mashruucaas Aflaamta Badan Ayaa Sidaas Oo Kale Laga Sameeyay Maanta Waxan Idin Soo Gudbinaynaa Lacagaha La Siiyay Dadkaas Sheekadooda Laga Sameeyay Filim

1. Mary Kom

Filimkan Waxaa Hogaamiye Ka Ahayd Atariishada Priyanka Chopra Waxaana Ay Ku Saabsanayd Sheekada Ama Qisada Feer-Yahanada Lagu Magacaabo Marry Kom Taaso Lagu Gatay Lacag Dhan Rs 25 Lakh

2. Milkha Singh

Farhan Akhtar Ayaa Filimkan Ku Xarakeeyay Kasoo Uu Ku Helay Aqoonsi Weyn Isagoo U Noqday Blockbuster Laakiin Sheekada Filimka Waxaa Iska Leh Ninka Lagu Milkha Singh Waxaana Looga Gatay Lacag Dhan Rs 1 Crore

3. Sachin Tendulkar

Ninkan Waa Mid Ka Mid Ah Xidigaha Ugu Caansan Dhanka Crickete Ka Ee Soo Maray Dalka India Waxaana Sheekadiisa Loo Sameeyay Hab Documentary Ah Waxaa Uu Faa’ido Ahaan Ka Helay Lacag Dhan Rs 40 Crore

4. Mahendra Singh Dhoni

Sushant Singh Rajput Ayaa Qalbiyo Badan Ku Dagay Ka Dib Sameynta Qisada Halyeeyga Looga Haray Dhanka Cricket Ee Mahendra Singh Dhoni Kaaso Ahaa Captain Ka Xulka India Ayaa Waxa Looga Gatay Lacag Dhan Rs 80 Crore

5. Mahavir Singh Phogat

Amir Khan Filimkiisa Dangal Waa Mid Galay Cirka Isagoo Laga Helay Lacag Fara Badan Taaso Isku Dar Guud Ahaantiisa Laga Helay Ku Dhawaad 2000 Crore

Laakiin Shaqsiga Iska Leh Sheekada Filimka Waxa Lagu Magacaabo Mahavir Singh Phogat Isaga Iyo Labadiisa Gabdhood Waxaana Laga Siiyay Qiimo Aad U Jaban Oo Ah Rs 80 Lakh Amir Khan Crore Fara Badan Ayuu Jabkiisa Iskaka Ritay

6. Sanjay Dutt

Sanjay Dutt Waxaa Goor Dhawayd La Sameeyay Filim Ka Hadlaaya Qisadii Uu Soo Maray Aktarkan Taaso Filimkan Uu Noqday Mid Si Weyn Loosoo Dhaweeyo Midaaso Laga Helay Lacag Fara Badan

Laakiin Mar Wax Laga Weydiiyay Director Filimkan Ninka Lagu Magacaabo Raj Kumar Hirani Inuu Shaaciyo Lacagaha Sanjay Dutt Looga Gatay Sheekadiisa Laakiin Raj Kumar Hirani Waa Uu Diiday Inuu Sheego Midaaso Uu Kala Balamay Aktarka Sanjay Dutt Inan La Shaacinin Lacagaha Uu Filimkan Ka Qaatay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*