Inaba caadi ma ahan aragtida kowaad aktarka ajay devgan filimkiisa Tanaaji: the unsung warrior laga soo bandhigay ajay oo hawada ku dagaalamaya

Super Star Ajay Devgan  wuu soo laabtay markaana waxaa laga soo bandhigay aragti kowaad filimkiisa weyn tanaaji: the unsung warrior  ee uu hogaamiye ka yahay waana filim haatan shaqadiisa gabo gabo tahay.

iyadoo tanaaji aragtidiisa kowaad uu caawa si weyn baraha bulshada u haysto waxayna u kaartadan ay u gaar tahay aktatka ajay devgan kaaso labiska dagaalka xiran seef gacanta ku heesto kana muuqato awood dheeraad ah inuu filimkan leeyahay waxaana garab taagan ciidankiisa

Tanaaji waa mashruuc weyn oo dagaal taariikhi ah looga hadlaayo waxaana qarash gareenayaan Ajay Devgan iyo Bhushan Kumar halka uu Director ka yahay Om Raut kaaso filmsameye reer Marathi ah.

Devgan waxaa filmkaan la jileyso xaaskisa Kajol iyo aktarka saif ali khan kaaso ah laadarka filimkan iyadoo duubis filimkan ay bilaabatay 25 bisha September ee sanadkaan 2018 ayadoo la daawan doono qeybaha dambe sanadka xiga 2019…

1 Comment

Comments are closed.