Inaba caadi ma ahan aragtida kowaad filimka Bharat laga soo bandhigay muqaalka Salman waxbadan ayaa ku hoos duugan

Waxaa si rasmi ah loo soo bandhigay aragtida kowaad (First Look Poster) ee filimka weyn Bharat hogaamiye ka yahay Mega Star Salman Khan lana daawan doono Eid 2020 halka Ali Abbas Zafar uu Director ka yahay waxaana maal galinaayo Atul Agnihotri oo ah Salman seedigiis.

Filimka Bharat waxaa goos gooskiisa dhameestiran lasoo bandhigi doonaa 24-ka bishan April sidoo kalena waxaa tiyaatarada la saari doonaa 5 June 2019 waxaana filimkan lagu duubay meelo kala duwan sida Malta, Mumbai, Dubai, Kashmir, Waqooyiga Hindiya iyo goobo kale.

Salman Khan aragtidiisa kowaad ee muuqaal ahaan da’ ka muuqato waxaa ku hoos duugan micno badan oo ah inuu asigoo wiil yar ah bilaabay raadinta aabihiis oo Jackie Shroff ku matalaayo waxayna dib u midoobayaan asigoo Sallu duqoobay waxayna qoyskan kala lumayaan xiligii Hindiya iyo Pakistan la kala qeybinaayay dabyaaqadii 40-maadkii.

Katrina Kaif ayaa atirisho kowaad ka ah filimka Bharat halka Jackie Shroff, Tabu, Disha Patani, Sunil Grover iyo Noora Fateh muuqaal ahaana inta badan jilaayaashan kuma matalayaan wajiga lagu yaqaanay madaama noloshooda ku xeen daaban tahay sida ay Salman ula kulmayaan 18-jirkiisa ilaa 70-jirkiisa safarka noloshiisa.

Waxaan sugnaaba maal maha nagu soo fool leh aragiyada kowaad dhamaan jilaayaasha kale filimka Bharat ka hor inta aan goos gooskiisa lasoo bandhigin 24-ka bishan.

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*