Indha-Sarcaad Mase Sixir: Nin qoorta iska jaray iyadoo si toos ah looga daawanayo TV-ga (Video)

Indha-sarcaad midkii ugu sarreeyey adduunka, ama sixir midkii ugu yaabka badnaa ayaa lagu soo bandhigay barnaamij toos telefashinka kuga baxay – nin ayaana qoortiisa jaraya adigoo arkaya.

Indha-sarcaadiyaha weyn ee u dhashay dalka Lebanon ee loo yaqaanno Gino ayaa wuxuu ka yaabsaday dadkii daawanayey barnaamij gaar ah oo telefashinka laga daawaday kaasoo isaga lagu casuumay.

Gino ayaa wuxuu dadka u muujiyey inuu awood u leeyahay inuu qoortiisa laba qeyb u kala qaado, ka dibna uu xariga lagu xiray ka dhexbixiyo.

Ka dibna soo jeediyaha barnaamijka Dina Ramez ayaa laba isugu laabtay xariga ka dibna qoorta Gino, daawadeyaasha barnaamijka Echo El Balad ayaana arki karay inay xariga u xirtay sidii ay rabtay, laakiin Gino ayaa qoortiisa kor u qaaday oo laba qeyb ka dhigay isagoo kasoo bixiyey xarigii oo sidiisa u xiran.

Halkaan ka daawo muuqaalkaan indha-sarcaadka ah ee la yaabka leh.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*