Inee SRK Taagerto, New York Oo Ay Dunida Ugu Jeceshahay Iyo Macluumad Ku Saabsan Atirishada Vidya Balan!!

 

Vidya Balan maanta waa maalinted maadam ay u dabaal dageyso xaflada dhalashadeda xidigtaan waxayna jirsatay 40 sano sidaa awged waxaan idiin la wadaagena macluumaad walba oo xidigtaan ku saabsan.

Atirishadan qaab jiliinkeda ayee ku hanatay tiro 4 jeer ah inee ku guulesato abaal marinta Filmfare qeybta atirishada ugu wanaagsan oo xiliyo kala duwan la gudoonsiyay qaab jiliinkeda heerka sare ah aawged.

Waa run Vidya in aysan awood weyn ku leheen dhanka Box-office-ka maadama filmadeeda guul dareestaan inta badan balse waxaa xaqiiq ah in aan xidigtaan lagu gaari karin dhanka doorka ka dhabeentisa oo xitaa hader iyadoo 40 jir ah ayee shaashada kula tartami kartaa atirishooyinka 20 jirka ah.

Sido kale waxay nasiib u yeelatay inee la shaqeyso xidigo caan ah oo sida Akshay Kumar, Amitabh Bachchan iyo kuwa kale oo ay shaashada kala soo muuqatay hada kadibna dabcan wey lasii shaqeen doontaa kuwa kale.

Vidya Balan hadee atirisho tahay misane aflaamta jisho sido kale waaa daawade oo aflaamta wey daawata dooq ayeena leedahay, xidigtaan Bollywoodka dad kooban ayee ka xiisesa.

Balan Bollywoodka waxay ka taagerta xidigaha kala ah Shah Rukh kha, Amitabh Bachchan, Shabana Azmi iyo Madhuri Dixit Sido kale filmada ay Bollywoodka ugu jeceshahay waxaa kamid ah Gol Maal (1979), Sooryavansham, DDLJ iyo 3 Idiots.

Ugu dambeyn Vidya dunida waxay ugu jeceshahay New York oo ay aad u xiiseyso inee kusoo dalxiisto xiliyada ay fasaxa tahay dabcan sanadkaan halkaas ayee u kusoo dalxiisi doontaa sidee u badantahay.