Isbedelka Kudhacay Deepika Arooskeda Kadib Iyo Sawirada Laga Soo Bandhigay!!

Atirishada caanka Deepika Padukone sanadkii aan soo dhaafnay 2018 waa sanad u qaas ah macquulna ma ahan in ay ilaawdo sanadkaan maadama nolosheda qeyb weyn ka yahay guulo taariikhi ah ayee gaartay xidigtaan.

Deepika shabakado badan ayaa u aqoonsadeen sanadii hore inee tahay atirishada ugu awooda badan Bollywoodka iyo mida ugu saameeynta badan xitaa dhanka daqliga ayee hogaanka u heysa dhanka atirishooyinka sanadii 2018.

Padukone Fashion heer sare ah oo ay ku guulesatay abaal marinana ku hanatay ayee sameeysay sido kale dhanka Box-officeka awoodeda Star Power-ka waxba ugu darsamay maadama Padmaavat si wanaagsan u gadmay.

Guusheda Box-office-ka Padmaavat meel wanaagsan ayuu ka gaarsiyay xidigtaan Padukone saxaafada iyo baraha bulshada ayee qabsatay dhowrjeerna shacbiyada baraha bulshada dhanka Bollywoodka wey hogaamisay inkastoo loolan adag ay kala kulantay atirishada Priyanka Chopra.

Hadaba hader waxaa lasoo bandhigay Padukone iyo sawiradeeda dambe kuwaso isbedel weyn ka muuqdeen marka la isku bar bardhigi sawiradeeda hore ama arooska kahor.
Dabcan guurka kadib xidigtaan is bedel weyn ayaa kudhacay dhanka shaqada waxay duubis ku bilaawi doonta filmka Meghana Gulzar ee aashitada ka hadlaayo halkaan hoose ka daawo sawirada Deepika..

After the Wedding

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*