Iska Jir Akshay: Salman Khan Oo Diyaar U Ah Inuu Filimkiisa Inshallah Saarto Eid 2020

 

iyadoo maalmo ka hor lagu dhawaaqay mashruuc lagu magacaabo Inshallah kaaso muddo 20 sano ka dib ay ku midoobayn salman khan iyo Director Sanjay Leela Bhansali sidoo kale waxaa atariisho looga dhigay Alia Bhatt

ka dib ku dhawaaqistaas qof walba waxaa maskaxdiisa la guuxaayo goorta Salman filimkiisa tiyaatarada saaran doono iyadoo aan hore u ogayn in 10 ee lasoo gudbay Salman Khan aflaamtiisa ay qasab ahayeen in tiyaatarada la saaro maalin Eid ah

iyadoo Akshay Kumar uu hore u calaameestay Eid 2020 isagoo doonaya inuu tiyaatarada saarto filimkiisa Sooryavanshi kaaso uu Director ka yahay Rohitt Shetty

laakiin hadda waxaa aktarkan soo koraya culeys uusan xamilin karin maadamaa uu soo galay god uu iska leeyahay aktarka Salman Khan waxaana hadda warar soo baxaya ay sheegayaan in Salman Khan Iyo Director Sanjay Leela Bhansali ay ku go’aansadayn in filimkooda Inshallah tiyaatarada la saaro Eid 2020

Salman Khan sidoo kale waxa uu hore u calaameestay Eid sanadkan maadamaa filimkiisa Bharat kaaso la daawan doono Ciidul Fitriga 2019 waxaana soo saare ka ah seedigiis Atul Agnihotri ayagoo horey uga wada shaqeeyeen filimada Bodyguard, Hello iyo kuwo kale.