Iskoorada Abaal Marinta Filmfare Award Ee Ay Dhigeen Xidigaha Caanka Ah (Qeybta Atirishooyinka)

 

Waa qeybtii labaad ee maqaalkena aan kaga hadleenay warbixinooyinka ku saabsan abaal marinta Filmfare Awards taaso sanad laha ah Maadama abaal marintaan markii 64-aad la qabanaya dhowaan waxaan idiin la wadaagena warbixin walba oo ku saabsan abaal marintaan Filmfare Awards.

Halkaan Hoose Kaga Bogo Iskoorada Taariikhiga Ah Ee Xidigaha Qaar Ka Dhigeen Filmfare Awards:

Iskoorada Qeybta Atirishooyinka:

Atirishooyinka Ugu badan ee biladan ku guulesten qeybta atirishada ugu wanaagsan waa Nutan  iyo Kajol waxayna heestaan iskoor ah min 5 jeer oo ay ku guulesten qeybta atirishada ugu wanaagsan (Best Actress).

U tartamaha ugu badan ee biladaan u tartamtay qeybta atirishada ugu wanaagsan waa atirishada awooda badan Madhuri Dixit waxaana u yaala iskoor ah 14 jeer oo ay tartamtay atirishada ugu wanaagsan (Best Actress).

Atirishada ugu badan ee u tartamtay biladaan sanado isku xigaan oo aan kala goos lahen waa Madhuri Dixit  (1989-1996) waxaana u yaalo iskoor ah 8 sano oo isku xigto ayee biladaan u tartamtay qeybta atirishada ugu wanaagsan (Best Actress) waana iskoor u gaar ah xidigtaan.

Atirishada hal sano gudaheeda iyada uun u tartamtay waa Meena Kumari, waxana xusid mudan in sanadki 1963 tartamaayasha sanadkaan qeybta atirishada ugu wanaagsan iyada uu u tartamtay ayadoo aflaam kala duwan wadatay waxaana la waayey hal atirisho oo la tartanto sanadkaas.

Meena Kumari oo sedex film wadata ayaa sanadkaas abaal marinta la gudoonsiyay maadama tartamayasha qeybta atirishada ugu wanaagsan iyada kaliya uun u tartameesay sedex jeer iyo sedex film kala duwan.

Shabana Azmi waxaa u yaalo iskoor ah hal sano gudaheeda aye tirade ugu badan u tartantay ayadoo afar film afar bandhig heer sare ah kusoo kala bandhigtay waxaana xusid mudan in markii 4 aad ay ku guulesatay waana hal sano gudaheeda sanadkii 1984.

Utartamaha ugu badan ee biladaan u tartamtay hadan aan ku guulesan waa atirishada Tabu waxayna dhigtay iskoo tiro 5 jeer ah oo ay u tartantay atirishada ugu wanaagsan abaal marinta ah hadana waliged kuma guulesan abaal marintaas qeybta atirishada ugu wanaagsan ah.

Atirishada Nutan ayaa noqotay haweyneyda da’ahaan ilaa hada ugu weyn ee biladaan ku guulesata qeybta atirishada ugu wanaagsan waxayna markii ugu dambeysay ee ay ku guulesaneysay jirtay 42 sano mana jirto atirisho Nutan ka dambeysay ee da’daas oo kale abaal marintaan qeybta Best Actress wali ku guulesatay waana iskoor u gaar ah xidigtaan.

Sharmila Tagore oo ah Saif Ali Khan hooyadiisa ayaa ah atirishada ugu da’ weyn ee biladaan u tartanta waxayna markii u dambeysay u tartamtay iyadoo 67 sano jirto qeybta atirihsada ugu wanaagsan.

Atirishada Dimple Kapadia ayaa noqotay guulestaha ugu da’ da yar iyo waliba utartamaha ugu da’da yar qeybta atirishada ugu wanaagsan maadama iyadoo 16 sano jirto u tartantay biladaan hadana ku guulesatay marka maba jirto atirisho 16 sano ka yar oo aan Dimple ahen misane u tartantay ama ku guulesatay biladaan qeybta atirishada ugu wanaagsan.

Lasoco Qeybta Sedexaad Iyo Filmsameyaasha Iskoorka U Yaalo: