Isku Bar Bardhig Dhan Walbe Ah Aan Ku Sameeynay Atirishooyinka Priyanka Chopra Iyo Deepika Padukone Iyo Atirishada U Muuqata Inee Sareeso!!

Inta badan waxaa la isla bar bardhiga shaqsiyaadka isku qalmaan ama maqaam ahaan aad isugu dhow sida sedexda Khans marwalba bar bardhig loogu sameeyo oo kale.

Sidaa aawged waxaan isku bar bardhig ku sameeynay atirishooyinka marwalba xifaaltamaan ee kala ah Priyanka Chopra iyo Deepika Padukone waa isku bar bardhig dhan walba ah aad in badan kaga bogan doonto macluumad kaa qarsoon fadlan halkaan hoose kaga bogo.

Star Power-ka ama awooda atirishooyinka Box-office-ka ku leeyihiin iyo dhibcooyinkooda guud:

Deepika: intii udhaxeysay 2010-2019 xidigtaan waxaa u aruuren dhibco badan oo Star Power-keda lagu qiimeeyay kuwaaso dhan 3695 dhibcood halka Priyanka heshay 3435 dhibcood waliba PeeCee hoos ayee usii gurmayaan dhibcaheeda waqtigaan (Star Power waxaa laga wadaa awooda jilaaga filmkiisa ku gado karo sedexda maalmod ugu horeysa ee uu tiyaatarada saaranyahay dhibco sharciyeesan oo loo aruuriyo).

Liiska 100-ka qof ugu saameenta badan dunida:

Shabakada Forbes ayaa dhamaadkii 2018 soo daabacday liiska 100-ka qof ugu caansan dunida uguna saameenta badan waxayna Deepika noqotay atirishada kaliya ee hindiya kasoo jeeda misane liiskan lagu arkay mana kujirin Priyanka liiskan.

Liiska 100-ka qof ugu daqliga badan dalka India sanadkii 2018 kuwaaso daqliga ugu badan kasbadeen:

Deepika kaalinta 4-aad ayee liiskan kasoo gashay kaliya waxaa ka sareyeen Salman Khan Virat Kohli iyo Akshay Kumar waxayna shaqeesatay ama kasbatay daqli dhan 112.8 Crore ($17 Million) sanadkii 2018 halka Priyanka ay liiskan kasoo gashay kaalinta 49-aad iyadoo kasbatay 18 Crore ($2.7 Million).

Shacbiyadooda baraha bulshada:

Priyanka Chopra:

Twitter-keda waxaa kuxiran 24 Million qof waqtigaan

Instagram-keda waxaa kuxiran 34.2 Million oo oqf

Facebook-geda waxaa kuxiran 40 Million oo qof

Wadarta Guud: 98.2 Million ayee Priyanka Chopra ku leedahay baraha bulshada shacbiyad ahaan.

Deepika Padukone:

Twitter-keda waxaa kuxiran 25.6 Million qof waqtigaan

Instagram-keda waxaa kuxiran 30.4 Million oo oqf

Facebook-geda waxaa kuxiran 34 Million oo qof

Wadarta Guud: 90 Million ayee Deepika Padukone ku leedahay baraha bulshada shacbiyad ahaan.

Hantida mid walba ay heesato guud ahaan:

2018 waxaa si rasmi ah loo shaaciyay in Deepika tahay atirishada ugu hodonsan ama ugu taajirsan Bollywoodka waqtigaan waxayna heysata hanti dhan $45 Million waxaana kusoo xigta Priyanka Chopra oo ayadana heesata $40 Million.

Abaal Marinada ay ku guulesteen:

Deepika: 154 abaal marin oo kala duwan ayee ku guulesatay halka 64 jeerna u tartantay waliba 2 jeer abaal marinta atirishada ugu wanaagsan Bollywoodka ayee ku guulesatay oo Filmfare bixiso.

Priyanka: 126 abaal marin ayee ku guulesatay xidigtaan 73 jeerna wey u tartantay dhanka kale Filmfare 1 jeer ayee ku guulesatay abaal marinta atirishada ugu wanaagsan Bollywoodka.

Guurkoda:

Midna doob ma ahan hader oo labadoodaba waxay guursadeen 2018-Priyanka waxay dhigatay 2 aroos midna hindu yahay midna kirishtaan ah fanaanka caanka ah ee Nick Jonas ayeena guursatay 1-2 December halka Deepika hal aroos dhigatay waxayna is guursadeen jilaaga caanka Ranver Singh 15 November.

Guulaha Filmadooda Dhanka Box-office-ka:

Priyanka Chopra:  40 Film ayee sameesay waxaana u guulesteen 18 film taasi oo ka dhigan in 22 film ka guuldareesten sido kale 18-ka film ee u guulesten 10 kamid ah Hit dhameestiran ayee u noqdeen waliba 2 kamid ah 10-kaas Blockbusters ayee u noqdeen xidigtaan.

Deepika Padukone: 22 Film ayee sameesay waxaana u guulesteen 13 film taasi oo ka dhigan in 9 film ka guuldareesten sido kale 13-ka film ee u guulesten 11 kamid ah Hit dhameestiran ayee u noqdeen waliba 4 kamid ah 11-kaas Blockbusters ayee u noqdeen xidigtaan.

Mushaarka Halkii film ay ku qaataan waqtigaan:

Deepika filmkeeda u dambeyay Padmaavat 12 Crore ($1.8 Million) halka Priyanka markee Bharat saxiixanesay lagula heshiiyay in 6.5 Crore ($984Kun, 848 Dollar).

Dhanka waxbarashada iyo heerka ay ka gaareen:

Labadoodaba mid jaamacad dhameesatay majirto mid walba ayadoo jaamacad heerka kowaad ku guda jirto ayee isaga baxday shaqo Model ayeena dhinac ka galeen oo waxbarashadii sidaas ayee kaga tageen.

Tartamada Quruxda Iyo Fashion-ka:

Priyanka sanadkii 2000 waxaa loo doortay gabadha dunida ugu quruxda badan (Miss World) heerkeda Fashion-ka waa iska dhex dhexaad balse labiska ay ku xaragooto waa mid qaali ah balse Deepika kuma guulesan inee noqoto gabadha dunida ugu quruxda badan sidaas ay tahay sanadkii 2018 waxay noqotay haweeyneyda qaarada Asia ugu shidan waxaana kusoo xigeen liiskan Priyanka Chopra iyo Nia Sharma (Aarohi) sido kale Deepika atirishooyinka Fashion-ka heerka sare sameeyan ayee kamid tahay waqtigaan labiska ugu qaalisana waxay kala mid tahay Priyanka oo labis qaali ah ayee gadata ama iibsata had iyo jeer.

Macluumadka sare kuxusan waxaa muuqata inta badan inee Deepika sareeso marka sida xaqiiqda loo hadlo oo meesha taageernimo iyo wax lamid ah laga saaro walina wuu socda xifaaltanka atirishooyinkan waan arki doona halka uu ku dambeyn doonno.

Dhamaad..

 

 

 

1 Comment

Comments are closed.