Jawaabihii ugu waaweynaa ee dadka qaar lasiiyay kuwaasoo dadkii maqleen gabi ahaanba ka yaabiyeen qeybtii 5aad.

 

Inta badan waxaan la kulanaa nolol maalmeedkeena su’aalo badan kuwaasoo qaarkood yihiin su’aalo doqonimo ah qaarkalana ay yihiin wax lala yaabo.

Su’aalahaas oo badanaa ah kuwa aan laga fiirsan ayaa qofka la weydiiyo badanaa dhib ku keento lkn dadka qaar ayaa waxay bixiyaan jawaabo madaafiic ka culus mararka qaarna aanba laga soo waaqsan Karin.

Shalay waxaan idiinkugu  soo qornay qeybtii 4aad qaar kamid ah jawaabaha taariikhaha galay, hadana qeybta 5aad ayaan soo qori doonaa.

 

21-Mucaawiya bin Sufyaan ayaa maalin wuxuu ku yiri Jaariya bi Qudaamah “reer tolkaa waa ku ceebeeyeen markey kuu bixiyeen Jaariyah”

Jaariyah waa jaariyad micno ahaan sidaan wada ognahay waxaana laga wadaa gabadha adoonto ah.

Markaas ayuu Jaariya bin Qudaama ku jawaabay “adna reer tolkaa kuuma ceeb qarinin markey kuu bixiyeen Mucaawiya”

Mucaawiya isna waxaa loogu yeeraa eyga dhadiga ah.

 

22-naag ayaa waxay ninkeeda ku tiri “maxaad sameynee hadii aan dhinto”

Markaas ayuu ku dhahay “waan waalanaa markaas”

Waxay ku dhahday naag kale ma guursanee?

Wuxuu ugu jawaabay “ilaa iyo heerkaas ma waalanayo”

 

23-Cumar bin Qeys ayaa hada kahor waxaa u yimid nin sujuudiisa ku taalo caradii masaajidka markaas ayuu ku dhahay “iska masax” ninkii ayaase ugu jawaabay “dadka waxay igu dhaheen hadaad masaxdo caradaas wey qeylinee ilaa masaajidka looga celiyo”

Cumar ayaa markaas ku jawaabay “ha iska qeyliso markaas ilaa ay dhuunta ka go’do ee iska tir”

Ninkii ayaa yiri “oo carada dhuun miyey leedahay?”

Cumar ayaa markaas ugu jawaabay “xagee ka qeylinee marka?”

 

24-boqorkii faaris ee Kisraa ayaa hada kahor waxaa madal uu joogay gabay ka tiriyay gabyaagii weynaa ee Al-acshi, markaas ayuu Kisra yiri “ninkaan muxuu leeyahay?”

Waxay dhaheen wuu gabyayaa,  markaas ayuu wuxuu dhahay “oo muxuu ku gabyay (tiriyay)” waxay dhaheen wuxuu sheegtay inuu dhafray habeeno badan asoon jiraneen sidoo kalana jaceyl heynin.

Markaas ayuu kisra dhahay “hadaba ninka haduu saas yiri waa tuug oo asigaa habeenkii jiro la’aan iyo jaceyl la’aan dhafree”

 

25-koox safar ah ayaa maalin waxay soo gashay tuulo waxayna soo mareen masaajid si ay salad ugu tukadaan.

Waxay arkeen mu’adinkii oo adimaya lkn aadaanka warqad ugu qoranyahay markaas ayay dhaheen “miyaadan aadaanka kor ka xifdisneen maxay tahay sababta aad warqada uga adimeyso?”

Wuxuu ugu jawaabay; waaliga magaalada ka wareysta oo weydiiya.

Markaas ayay waaligii u imaadeen waxay dhaheen; Assalamu caleykum.

Waaligii ayaa markaas asna lasoo baxay xaashi ay ku qorantahay “wacaleykuma salaam”.

 

La soco qeybta 6aad oo xiiso leh.

 

Haddii aadan aqrisanin qaybtii kowaad maqaalkan fadlan RIIX HALKAAN

Haddii aadan aqrisanin qaybtii labaad maqaalkan fadlan RIIX HALKAAN

Haddii aadan aqrisanin qaybtii sadaxaad maqaalkan fadlan RIIX HALKAAN

Haddii aadan aqrisanin qaybtii afaraad maqaalkan fadlan RIIX HALKAAN

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*