Jhanvi Kapoor Oo Ugu Dambayn Ka Hadashay Wararka Sheegaya inay Shukaansato Wiilka Lagu Magacaabo Akshat Rajan

jahnvi kapoor waa mid ka mid ah atariishooyinka ugu shidan bollywoodka xiligan iyadoo atariishadan ay dhexda kaga jirto waqti quruxda badan

madaama sanadkii hore ay bollywoodka kusoo gashay filimka super hit ka noqday ee dhadak sidoo kale atariishadan qaybka tahay duubista filimka weyn ee takht kaaso laysugu keenay aktaro caan ah

jahnvi ayaa waxa ay mudadan gaaban ku yeelatay taageero fara badan kuwaaso badanaa jecel inay baadi-goobaan warbixinada ku saabsan nolosheeda gaarka ah

iyadoo atariishadan dhawaan lagu xamanaayay inay xariir jaceyl kala dhaxeeyo wiilka lagu akshat rajan kaaso mar walba aan ka dheerayn jahnvi hareerahayda

jahnvi kapoor weligay kama aysan hadlin arrimaha ku saabsan nolosheeda gaarka ah laakiin waxa ay dhawaan u adkaysan weysay wararka sheegayaan inay iyada shukaansato akshat

jahnvi oo ka hadlaysa arrintan ayaa waxa ay tiri ” wax walba xad ayay leeyihiin oo hadda ma waxaad i leedihiin waxad xariir la leedahay akshat kaaso ah aan saaxiibo ahayn ilaa iyo yaraantayda hadda akshat marna ma doonaayo inuu hab igu siiyo meel fagaaro ah maadama uu ka cabsanaayo idinka”

jahnvi kapoor ayaa waxa ay cadeesay inay been yihiin wararka xanta ee sheegayaan inay xariir la leedahay wiilkan sidoo kale atariishadan ayaa shaacisay inay weli tahay single dhanka shaqada jahnvi ayaa waxa ay dhawaan isku diyaarin doonta duubista filimka weyn ee takht