Johnny Lever ( Amadi)  Iyo Gabadhiisa Jamie Lever Oo Markii Ugu Horeesay Shaashada Filimka Kasoo Wada Muuqan Doonan Iyagoo Muuqaalka Ku Lahaan Doonan Filimka Housefull 4

Johnny Lever (Amadi ) was aktar ka mid ah jilaayaasha looga helay dhanka iyo shactirada isagoo xiligii 90s ahaa jilaa aan lagu haysanin doorkaas isagoo lasoo shaqeeyay aktarada ugu caansan gudaha bollywoodka

waxaad ilaa hadda aad moodaa bollywoodka inaysan ka maarmin halyeeygan maadaama door muhiim laga siiyo filimada waa weyn waxaana goor dhow uu muuqaal ku lahaa filimka Total Dhamaal kaaso hadda tiyaatarada saaran

 

sida ay soo warinayso majalada mumbai mirror Jamie Lever ayaa waxay markii ugu horeesay uu shaashada kala soo muuqanaysaa aabaheeda Johnny Lever (amadi) waana dhacdo kor u sii qaadaysaa hadal-haynta filimkan

Jamie Lever ayaa waxa ay tahay gabar ku fiican doorka shactirada sida aabaheeda iyadoo tayadeeda jilitaan lagu arkay dhawr jeer ay kasoo muuqatay bandhig masraxeed ah

Amadi ayaa waxa uu qayb ka noqday taxanaha housefull qaybtiisa afaraad waana filim shactiro badan sidoo kale waxaa filimkan laga siiyay door wacan isagoo qayb ka ahaa dhamaan jadwalada duubista filimkan sida London , Rajstan iyo Mumbai

Housefull 4 waxaa hogaamiye ka ah aktarada kala ah Akshay Kumar , Bobby Doel , Riteish Dushmukh , Kriti sanon , Pooja Hedge, Kriti Kharbanda , Chunky Pandey iyo aktaro kale oo badan waxaana filimkan la daawan doona diwali sanadkan 2019