Jr. NTR duufaantiisa inta aysan Boxoffice-ka cagta marin maxaa iskoor ah oo Telugu ka jiro maalinta kowaad

Young Tiger Aka Jr. NTR wuu soo laabtay waxaana u diyaarsan filimka weyn Aravindha Sametha oo hadal heyntiisa cirka mareyso kalsooni lixaad lehna lagu qabo maalinta kowaad inuu iskooro waa weyn gudaha Telugu iyo USA Boxoffice ka dhigi doono.

Haddaba inta aan filimka Aravindha Sametha 11-ka bishan ama Khamiista tiyaatarada la saarin shabakada Andhra Boxoffice waxay soo bandhigtay 25-ka filim ee Telugu ama Tollywood sameeyeen kuwooda maalinta kowaad saamiga ugu badan laga helay ee dhul weynaha Telugu laga daawaday Andhra Pradhesh iyo Nizam.

Baahubali 2 ayaa hogaaminaayo oo maalinta kowaad kooxda cajaladaha qeybiyaan saami ahaan ka heleen 42.87 Crore waa rikoor aan loo dhawaan kaliya dhul weynaha Telugu ayaa samigaan laga helay AP/Nizam!

Fadlan hoos kaga bogo 25-ka filim ee maalinta kowaad dhul weynaha Telugu AP/Nizam saamiga ugu badan kooxda cajaladaha qeybiyaan ka heleen:

No.1. Baahubali 2 42.87 Cr

 

2. Agnyaathavaasi – 26.36 Cr #

 

3. Khaidi No.150 – 23.24 Cr *#

 

4. Baahubali – 22.4 Cr*

 

5. Katamarayudu – 22.27 Cr

 

6. Jai Lava Kusa 21.81 Cr

 

7. Bharat Ane Nenu – 21.74 Cr

 

8. Sardaar Gabbar Singh # – 20.92 Cr

 

9. Janatha Garage 20.49 Cr

 

10. Rangasthalam – 19.49 Cr

 

11. DJ 17.92 Cr

 

12. Naa Peru Surya – 16.28 Cr

 

13. SPYder – 15.3 Cr

 

14. Srimathudu # – 14.72 Cr

 

15. Brahmotsavam 13.06 Cr

 

16. Bruce Lee 12.66 Cr

 

17. Nannaku Prematho 12.18 Cr

 

18. Sarrainodu 10.96 Cr

 

19. Attarintiki Daaredi * 10.75 Cr

 

20. Dhruva 10.35 Cr

 

21. Gautamiputra Satakarni – 9.82 Cr

 

22. Aagadu 9.74 Cr

 

23. Temper 9.68 Cr

 

24. S/o Sathyamurthy 9.27 Cr

 

25. Baadshah * 9.25 Cr

 

F.G: * – All Time Record In the Past (Iskoor horey loo dhigay balse la jebiyay) #- Non-Baahubali Record Now or In the Past (Iskoor aan midka Baahubali ahayn oo hadda yaalo ama horey loo dhigay).

Xogta sare ka muuqato Jr. NTR filimkiisa dhul weynaha Telugu ugu bilaabashada wanaagsan waa Jai Lava Kusa oo kooxda cajaladaha qeybiyaan maalinta kowaad ka heleen 21.81 Crore waxaana lagu kalsoon yahay in filimkiisa Aravindha Sametha noqon karo midkiisa maainta kowaad ganacsiga ugu badan Telugu ka sameeyo.