Ka Dib Bharat Salman Khan Iyo Satish Kaushik Oo Filim Ku Midoobi Doonan

satish Kaushik ayaa waxa uu dib ugu soo laabtay shaashada isagoo muddo ka maqnaa saaxaada aflaamta  waxaana sanadkii hore wax ka Jilay filimka fanney khan kaaso ay hogaamiye ka yihiin aktarada anil kapoor iyo aishwarya rai

waxaana sidoo kale hadda qayb ka ah filimka bharat isagoo 16 sano ka dib mar kale la midoobi doona aktarka salman khan waxaana isugu dambaysay inay isla shaqeeyaan filimkii tere naam.

satish kaushik waa nin rug-cadaa dadaal badan kaaso wax badan usoo qabtay fanka bollywoodka ninkan waxa uu ku caan baxay samaynta doorka shactirada isagoo lasoo shaqeeyay aktarada ugu caansanaa bollywoodka xiligii 90s

hadda warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in salman khan uu soo saare ka noqon doono satish kaushil filimkiisa xiga ee lagu magacaabo kaagaz satish ayaa filimkan  director ka ah waana filim ka hadlaya nolosha beerelayga lagu magacaabo lal bihari

waxaa sidoo kale wararka ay ku darayaan in satish kaushil uu salman khan la wadaagay sheekada filimkan inta ay ku guda jirayn duubista filimka bharat

iyadoo weli satish uu ku dhawaaqin xidigaha hogaamin doona mashruuciisa waxaana goor dhow sugnaa warbixin faah-faahsan oo ku saabsan mashruucan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*