Ka Dib Filimka Bhool Bhulaiyaa Akshay Kumar Oo Xaqiijiyay Inuu Mar Kale Samayn Doono Filim Cabsi Iyo Shactiro Ah

Super Star Akshay Kumar ayaa baadi goob ugu jiro filim Horror-Comedy ah ama shactiro iyo cabsi isku jirto ah maadama uu xidigaan aad oga helay filimkii  Bhool Bhulaiyaa ee uu hogaamiyaha ka ahaa.

Akki ayaa dhawaan waxa uu xayeesiin u sameenaysay filimkiisa Kesari kaaso la daawan doono bishan march ayaa waxa uu akshay kumar ka qayb-galay showga gabadha caanka ah ee Anupama Chopra

Isagoo halkaas u bixiyay wareysi xiiso badan sidoo kale aktarkan ayaa waxa uu halkaas u xaqiijiyay inuu dhawaan  saameyn doono filim Horror- Comedy ah Akshay oo arrintaas ka hadlaya ayaa waxa uu yiri .

“Xaqiiq ahaan waxaan jeclahay inaan markale sameyo filimka  Bhool Bhulaiyaa ookale maadama daawadayaasha xiisenayaan aflaam fariimahas ookale sitaan waana mida aan hada kutalo jiri.”

“Waxaan raadinayaa sheeko fiican hadaan helo si dhaqsi ah ayaan oga shaqeyn doona filimka noocas ookale ah waa sheeko cajiib ah daawadayaashana xiiseyn doonaan in badan”

dhanka shaqada akshay kumar waxaa u diyaarsan filimka  weyn ee kesari kaaso tiyaatarada la saari doono 21 bishan march waxaana la wado atariishada Parineeti Chopra halka uu soo saare ka yahay ninka lagu magacaabo Karan Johar

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*