Ka Dib Filimka Tanaaji: The Unsung hero Ajay Devgan waxa uu duubis ku bilaabi doona filim looga hadlaayo nolosha syed abdul rahim

aktarka ajay devgan 10 sano ee lasoo gudbay  waxa uu waayo qurux badan ku qaadanaya bollywoodka maadamaa mudadaas ku sameeyay aflaamo classic ah sida bol bachchan , labo singham , golmaal , raid , son of sardaar iyo total dhamaal kaaso hadda ajay devgan tiyaatarada u saaran yahay

ajay devgan waa mid ka mid ah aktarada faro ku tiris ah kuwaaso awooday inay fanka baaqii kusii ahaadaana muddo ka badan 25 sano sidoo aktarkan waxa uu dusha saartay in magaciisa super star-nimo uu taagnaado waqti  dheer

ajay devgan hadda waxa uu ku mashquulsan yahay duubista filimkiisa weyn ee Tanaaji: The Unsung hero laakiin hadda waxaa soo baxaya ka dib ajay inuu samayn doona filim looga hadlaayo nolosha syed abdul rahim

sida ay soo warinayso majalada mumbai mirror aktarka Ajay Devgan ayaa hadda waxa uu aqbalay ama u saxiixday director Om Raut filimkiisa kaaso looga hadlaayo nolosha syed abdul rahim kaaso ahaa macalinkii kubbada cagta ee dalka india inta u dhaxeesay 1950 ilaa iyo 1963 filimkan waxaa  soo saare ka noqon doona Amit Sharma .

sidoo kale mumbai mirror waxa ay intaas ku daraysaa in la qorsheenaayo in duubista filimkan la bilaabi doono todobaadka ugu horeeya ee bisha June waxaana filimkan lagu duubi doona garoomo rasmi ah waxaa lagu duubaya magaalooyinka kala ah mumbai , Kolkata, Hyderabad iyo Delhi sidoo kale waxaa filimkan duubistiisa ka qayb qaadan doonan ciyaartoy ka mid xidigaha kubbada cagta ee hadda ka ciyaara horyaalka dalka india

dhanka shaqada aktarka Ajay Devgan waxa uu hadda ku mashquulsan yahay duubista filimka weyn ee Tanaaji: The Unsung hero kaaso la daawan doona 22 bisha november ee sanadkan waxaana ajay devgan filimkan ku wehlin doona aktarka saif ali khan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*