Ka Dib Filimka The Legend Of Bhagat Singh Aktarka Ajay Devgan Ayaa Waxa Uu Door Dagaal-yahan Xoriyad Doon Ah Ku Jili Doona Filimka Ssrajamouli Ee RRR

Koonfurta Hindiya ayaa markale ciwaanada fanka Hindiya oo dhan la wareegeen madaama maalintii shalay ay si rasmi ah shaaca ugu qaadayn in Superstar Ajay Devgn uu ku biiray kooxda sameeneyso filimka weyn ee Ram Charan iyo Jr NTR hogaamiyaal ka yihiin sidoo kalena Director ka yahay SS Rajamouli.

sidoo kale waxaa filimkan lagu soo daray akatarada Hollywood-ka ugu caansan sida Atariishada Daisy Edgar taaso si weyn loogu xasuusto filimka War of worlds (2018)

waxaana filimkan la daawan doona 30 june 2020 waxaana uu boxx office kula dagaal xoogan uu la geli doona aflaamta kala ah Shamshera iyo Sooryavashi

inkastoo Ajay Devgn doorkiis filimkan ku yeelanayo wax sharaxaad ah laga bixinin kaaso si Director Ssrajamouli uu doonaayo inuu doorkan la qarinaayo ilaa filimkan laga daawanaayo

laakiin waxaa dhawaan war xiiso badan oo doorka Ajay Devgan ku saabsna soo daabacday majalada Mumbai Mirror taaso sheegtay inuu Ajay Devgan filimkan ku jili doono dagaal-yahan kaaso jeeda waqooyiga india kaaso u dagaalamaya xoriyada dalka india

waxaana doorkiisa uu yahay mid sheeko ahaan filimka  ugu jira kaaso laga sheekeenaayo laakiin waa door awood badan kaaso saamayn ku leh filimkan

iyadoo doorka filimkan uu noqon doona markii labaad ee uu Aktarka Ajay Devgan sameenaayo door xurnimo doon ah iyadoo hore lagu xasuusto doorkiisa filimka The Legend Of Bhagad Singh (2002)

kaaso Ajay uu la dagaal la galaayo ciidamada dalka Britain  sidoo kale Alia Bhatt ayaa filimkan waxa ay ku lahaan doonta door lagu magacaabo Sita taaso jaceyl shaashada kula wadaagi doonta Aktarka Ram Charan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*