Ka Dib Guusha Simmba Director Rohit Shetty Oo Shaacisay Inay Macquul Tahay In Goor Dhow La Bilaabo Shaqada Filimka Simmba 2

Simmba si fudud ayuu ku noqday Super Hit weyn waliba mudo 6 maalmod oo u tiyaatarada saarna waana filma dagaal oo ay dadka hindida ah soo dhaweyeen mashruucan waxaa hogaamiye ka ah Ranver Singh.

Sido kale Sara Ali Khan ayaa si weyn ugu soo caan baxday filmkaan waana filmkeeda labaad ee Bollywood ah isla sanadkee soo caan baxdayna la daawday halka uu Director ka yahy Rohit Shetty (macalinka filmda dagaalka ah).

hadda waxaa soo baxay war xiiso badan kaaso ah in qayb labaad filimkan laga sameenaayo maadaama director rohit shetty uu ku caan baxay inuu filimka ka sameeyo taxano badan sida aflaamta kala ah golmaal iyo singham waxaana arrintan xaqiijiyay director rohit shetty

director rohitt shetty ayaa sheegay inuu doonaayo inuu qayb labaad ka sameeyo marka arrinkan wax laga weydiinaayay madaama filimkan uu mid leh madadaalo dhamaystiran sida aflaamtiisa hore ee golmaal iyo singham

warar xan ah ayaa sheegayaan in rohit shetty uu damacsan yahay  inuu filimkan simmba qaybtiisa kusoo daro aktarka ajay devgan si uu isaga hor keeno singham iyo simmba midaaso dadka si weyn u xiiseenaayaan xifaaltanka dhex-mari doona ajay devgan iyo ranveer singh laakiin weli lama xaqiijin in ajay devgan uu qayb ka yahay simmba 2