Ka Dib Housefull 3 iyo Brothers Atariishada Jacqueline Fernandez Oo Diyaar Ah Inay Mar Kale Akshay Kumar Kula Midoowdo Filimka Soorayavanshi

Aktarka Akshay Kumar ka dib muuqaalkiisa martida uu ku leeyahay filimka Simmba waxaa narkaas ka did soo baxayay warar xan ah kaaso ku aadan Akshay inuu hogaamin doono Director Rohit Shetty filimkiisa xiga kaaso lagu magacaabo Sooryavanshi

filimkan Sooryavanshi waa filim Action qiiro badan oo arimaha shaqada iyo nolosha booliska ka hadlaay waxaana isla maal galinayaan shirkadaha  Reliance Entertainment, Rohit Shetty Productions, Dharma Productions iyo Cape Of Good Films

hadda waxaa soo baxaya warar xiiso leh kaaso ay soo warinayso shabkada Bollywood Hungama in mashruucan lagu so daray atariishada Jacqueline Fernandez taaso filimkeeda ugu dambeeyay lagu arko uu ahaa filimka Race 3

Jacqueline Fernandez ayaa waxa ay aktarka Akshay Kumar kula midoobi doonta filimkan Actionka ah iyadoo aysan ahayn markii ugu horeesay ay shaashada wadaagayaan labadan  aktar waana kuwa si fiican isku garanayaan sababtoo ah waxaana hore ay is kala soo muuqdayn aflaamta kala ah Housefull 3 iyo Brothers

sidoo kalena waxaa la aaminsan yahay in Ajay Devgn doorkiisa Singham iyo Ranveer Singh doorkiisa Simmba inay filimkan ayagoo wataan muuqaalo marti ah oo xiiso badan ku yeelan doonaan waxaana la daawan doono Eid 2020

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*