Ka Dib Markii Amir Khan Uu Shaaciyay Samaynta Filimka Laal Singh Chadha Bal Ogaano 11 Filim Uu Aktarkan Sameeyay Kuwaaso Laga Soo Min-guuriyay Hollywoodka

Aamir Khan oo maalintii shalay u dabaal-dagayay dhalashadiisa 54aad ayaa  wuxuu saxaafada u sheegay filimkiisa xiga in la dhaho Laal Singh Chadha kaaso sheeko ahaan laga soo min guuriyay filimka Hollywood-ka ee Classic ah Forest Gump ee Tom Hanks abaal marino badan lagu qaatay sidoo kalena mashruucaan waxaa Director ka ah Adviat Chandan oo horey u sameeyay filimka Secret Superstar.

Shirkada Viacom 18 Movies ayaa maal galineyso filimka Laal Singh Chadha waxayna shaqadiisa bilaaban doontaa bartamaha sanadkan halka la daawan doono gudaha sanadka dambe 2020

dad badan ayaa is-weydiinaya inuu Amir Khan sameenaayo markii ugu horeeyay filim laga soo copied gareeyay dhanka iyo Hollywoodka laakiin waxaa hore u dhacday inuu Amir Khan sameeyay 11 filim laga soo min-guuriyay hollywoodka

1. Dil Hai Ki Maanta Nahin (1991) waxaa laga soo copied gareeyay filimka hollywoodka ee classicada It Happened One Night

2. Daulat Ki Jung (1992) waxaa filimkan laga soo min guuriyay filimka hollywoodka ee Western Mackenn’s Gold

3. Jo Jeeta Wohi Sikandar (1992) waxaa filimkam classicada ah laga soo min guuriyay filimka hollywoodka ee Breaking Away

4. Hum Hain Rahi Pyaar ke (1993) filimkan waxaa laga qaatay filimka hollywoodkan House boat

5. Baazi (1995) filimkan waxaa laga soo min guuriyay filimka hollywoodka ee filimka actionka ah ee uu hogaamiye ka yahay aktarka caanka ah ee Bruce Willis kaaso ah Die Hard (1988)

6. Aatank Hi Aatank (1995) filimkan boxx office ka ka bur-buray laakiin Hogaamiyaha ka yihiin Amir Khan Iyo Rajnikanth ayaa waxaa laga min guuriyay filimk GodFather (1972) kaaso ay wadaan aktarada Marlon Brando iyo Al Pacino

7. Akele Hum Akele Tum (1995) inkastoo filimkan boxx office ka uu flop ka noqday laakiin waxa uu leeyahay heeso macaan waxaana filimkan laga soo min guuriyay filimka hollywoodka ee Kramer Vs Kramer (1979)

8. Ghulam (1998) filimkan uu director ka yahay ninka lagu magacaabo waxaa markii laga soo copied gareeyay mahesh bhatt filimkiiisa Kabzaa (1988) kaaso uu waday aktarka Sanjay Dutt laakiin waxaa markii hore filimkan sameeyay shirkada hollywoodka waxaana lagu magacaabaa On The Waterfront (1954 ) kaaso uu hogaamiye ka yahay aktarka caanka ah ee Marlon Brando

9. Mann ( 1999) filimkan soomaalida sida weyn u jeceshahay ee mann waxa markii hore laga soo min guuriyay filimka hollywoodka ee Love Affair (1939) kaaso uu waday aktarka Cary Grand

10. Ghajini (2008) inkastoo filimkan Amir khan uu kasoo qaatay dhanka iyo tamilka kaaso uu Director ka yahay A.R Murugadoss laakiin filimkan waxaa markiisa hore sameeyay hollywoodka waxaana filimkaas lagu magacaaba Memento (2000) kaaso uu hogaamiyaha ka yahay aktarka Guy Pearce

11. Dhoom 3 (2013) kani waaa filim kale uu Director ka yahay Christopher Nolan kaaso uu Amir Khan dib u sameeyay filimkan hollywoodka waxaa lagu magacaabo The Prestige (2006) kaaso ay wadayn aktarada Hugh Jackman iyo Christian Bale

F-g: sidoo kale waxaa jira dhawr uu aktarkan uu Hogaamiye ka yahay kuwaaso laga soi min guuriyay shirkado kale sida filimka Rangeela (1995) waxaa laga soo min guuriyay filimka Win a Date With Tad Hamilton sidoo kalena filimka 3 idiot waxaa laga soo copied gareeyay filommfilimka Mexico kaanka ah ee 3 Idiotas

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*