Ka Dib Markii Ay Bandhiga Romantic Ah Kusoo Bandhigayn Showgii Zew Cine Awards Ranbir Kapoor Iyo Alia Bhatt Waxa Ay Goobta Ka Baxayn Iyagoo Gacmaha Is-Haystaan

Xalay xaflad weyn ayaa ka dhacday gudaha Mumbai xarunta Bollywood-ka waxaana soo qaban qaabisay shirkada caanka ah Zee TV ayadoo bixisay abaal marin sanadlaha looga bartay Zee Cine Awards 2019

waxaa xalay indhaha iyo qalbiga dadka wada qaatayn labada lamaane kuwaaso kala ah Ranbir Kapoor Iyo Alia Bhatt iyagoo xalay bandhigaas lagu gudoonsiiyay abaal-marino Ranbir Kapoor ayaa waxa la gudoonsiiyay aktarka ugu wanaagsan halka Alia Bhatt la gudoonsiiyay Abaal-marinta dooqa daawadayaasha Best Actress Viewers Choice Awards

iyagoo sidoo kale masraxa ka dhigayn mid soo jiidasho leh waxaana ay masarxa kusoo bandhigayn  bandhig Romantic ah waxaana ay halkaas kusoo bandhigayn qoobka ciyaar soo jiidasho leh  iyagoo qaadaya heeska Ishq Wala Love taaso ku jirtay filimka Student Of The Year

ka dib markii uu bandhiga dhamaaaday waxaa qof walba uu aaminay inuu xariir jaceyl ah ka dhaxeeyo labadan lamaane maadaama dhamaadka showga Ranbir Kapoor uu gacanta soo qabsaday atariishada Alia Bhatt isagoo saaray gaarigiisa qaaska ah waana dhacdo ilaa haatan si weyn ay u hadal-hayaan saxaafada dalka india

fadlan hoos ka daawo sawirada ranbir kapoor iyo alia bhatt oo gacmaha is haystaan