Ka Dib Markii Ay Saxiixatay Baaghi 3 Atariishada Shradha Kapoor Waxa Ay Cagta Ku Haysaa Wadadii Ay Ku Noqon Lahayd Atariishada Ugu Awoodda Badan Boxx Office (BOI)

Shradha Kapoor waa atirisho kamid ah atirishooyinka Bollywoodka kuwooda dhalinta ah sido kalena dadaalka xoogan ugu jiraan inee fanka heer sare ka gaaran.

Shraddha waxaa dhalay Majaajilistaha weyn ee Shakti Kapoor waana atirisho door walba isku daydo cimri ahaanteda ilaa hada waxay sameysay 12 film,

iyadoo hadda ka mid ah atariishooyinka ugu awoodda iyo mushaarka badan waxaana awoodayda kor usii qaaday filimkayda stree kaaso guul wacan kaaso hoyay boxx office ka

waxaan hore u aragnay deepika padukone iyo atariishooyinka ugu caansan fanka kuwaaso qaadanayaan sanad iyaga u fiican maadaama ay sanadkaas ay usoo baxayn aflaamo waa weyn

hadda waa heerkaas taagan atariishada dadaalka badan ee shradha kapoor ka dib markii soo saare sajid nadiadwala uu xaqiijiyay in shradha kapoor ay qayb ka tahay taxanaha caanka ah ee baaghi qaybtiisa sadexaad waxaa is-badal weyn ku imaaday jadwalka atariishadan taaso shradha ka dhigaysa xidigta ugu mashquulka badan sanadkan 2019

shradha kapoor sanadkan u diyaarsan 4 filim oo waa weyn kuwaaso atariishadan ka dhigi kara  atariishada ugu awoodda badan dhalinta xiligan

shradha kapoor iyo aflaamta u diyaarsan sanadkan 2019

1. street dancers

filimkan street dancers waxaa la jilaya aktarka varun dhawan waxaana sidoo kale director ka ah ninka lagu magacaabo remo d’souza waxaana mashruucaan maal galineyso shirkada T Series oo ka mid ah shirkadaha aflaanta maal galiyo kuwooda Bollywood-ka ugu awooda badan.

Filimka Street Dancer waxaa la daawan doonaa 8 November 2019 waxaana ku midoobeen Varun, Shraddha iyo Director Remo oo horey u sameeyeen filimkii HIT-ka weyn noqday ABCD 2 sanadii 2015.

2. saaho

Prabhas iyo Shraddha Kapoor ayaa markii ugu horeesay shaashada kaga soo muuqan doonaan filimka weyn ee la wada sugaayo Saaho oo weliba lacago qaali ah lagu maal galinaayo si filim caalami ah looga dhigo

Filimka Saaho waxaa wax ka jilayaan shaqsiyaad badan oo Bollywood-ka caan ka ah waxaana ka mid ah ng Neil Nitin Mukesh, Mandira Bedi, Jackie Shroff iyo Chunky Pandey waxaana la daawan doona 15 august sandkan

3. chhichori

filimkan waxaa hogaamiyaal ka ah shradha kapoor iyo sushant singh rajput waxaana filimkan ku saabsan yahay barashada cilmiga engineering waxaana mashruucan director ka ah nitesh tiwari kaaso ah directorkii sameeyay filimkii dangal waxaana filimkan la daawan doona 30 august 2019

4. filimka looga hadlaayo nolosha saina nehwal

shradha kapoor ayaa waxa ay mar hore bilowday duubista filimka looga hadlaayo nolosha halyeeyada reer hindiya ee ku caan baxday ciyaarista kubadda miiska ee lagu magacaabo saima nehwal

waxaana mashriican directer ka ah ninla lagu magacaabo amole gupta filimkan waxaa soo saare ka ah ninka iska leh shirkada T-Series ee bhulshan kumar iyadoo mashruucan la daawan doona bisha april sanadkan 2019

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*