Ka Dib Markii Sanjay Leela Bhansali Filimkiisa Xiga Ee Inshallah uu Atariisho Kaga Dhigay Alia Bhatt Aan Isla Ogaano Atariishooyinka Hogaamiye Ka Ahaayeen Aflaamtiisa Hore

Director Sanjay Leela Bhansali waa mid looga haray samaynta aflaamta sheekada wanaagsan kuwaaso leh soo jiidasho dheeraad ah waana mid aktar walba uu doonaayo inuu la shaqeeyo isaga

Sanjay Leela Bhansali ayaa subaxan waxa uu ku dhawaaqay aktarada samayn doonan filimkiisa xiga ee Inshallah isagoo doortay labada aktar xiligan ugu awoodda badan bollywoodka kuwaaso kala ah Salman Khan Iyo Atariishada Alia Bhatt

Atariishada Alia Bhatt ayaa si weyn ugu faraxsan tahay la shaqaynta Director-kan maadaama Sanjay Leela Bhansali  lagu yaqaano inuu  yahay nin atariishooyinka bollywoodka siiya ama u sameeya doorar classic ah sida

Sanjay Leela Bhansali waxa uu lasoo shaqeeyay atariishooyinka ugu caansan fanka bollywoodka isagoo aflaamtiisa dhamaan lagu garto inuu door weyn ka siiyo atariishooyinka kuwaaso xitaa mararka qaar u dhigma mida aktarka

1. Manisha Koirala – 1942 : Love Story (1996)

2. Mandhuri Dixit – Devdas (2002)

3. Aishwarya Rai

atariishadan waxa ay Sanjay Leela Bhansali kala soo shaqeesay aflaamo gaaraya sadex sida Hum Dil De Chuke Sanam(1999) Devdas (2002) iyo Guzaarish (2010)

4. Rani Mukerji – Black (2002)

5. Sonam kapoor – Saawariya (2007)

6. Deepika Padukone

sidoo kale Deepika Padukone ayaa noqotay atariisho uu ka helay Directirkan maadaama aflaamtiisa ugu dambeeyay dhamaan ay hogaamiye ka ahayd sida Ram-leela (2013) Bajiro Mastani (2015) iyo filimka Padmaavat (2018)

1 Comment

Comments are closed.