Ka Dib Simmba Karan Johar Oo Ku Dhawaaqay Xiliga La Daawan Doono Mashruuciisa Xiga Ee Drive

karan johar waxa ayaa waxa uu isaga jiraa waqti quruxda badan isagoo sanadahan dambe ay soo gashay hanti fara badan isagoo dhawaanahan ka nastay samaynta aflaamta ama kursiga director-nimo isagoo isku badalay filim soo saare

isagoo macaash waali ah ka helay aflaamta uu qarash-gareeyay kuwaaso kala ah baahubali labadiisa qaybood 2.0 dhadak simmba iyo aflaamo kale oo badan waxaana weli usii dhiman oo shaqo duubis lagu wadaa filimka brahmastara iyo kalank

iyadoo hadda karan johar uu ka dhawaaqay xiliga la daawan doono mashruuciisa xiga kaaso lagu magacaabo drive Drive kaaso hore loo qorsheeyay in la daawado bisha september sanadkii hore laakiin hadda waxaa si rasmi ah loo daawan doono 28 june sanadkan

drive waa film dagaal iyo shactiro isku dhexjirto ah waxaana hogaamiyaal ka ah Sushant Singh Rajput iyo Jacqueline Fernandez oo marki ugu horeysay shashada wadaagi doonan.

Filmkaan waxaa Director ka ah Tarun Mansukhani halka uu maal galiye ka yahay Karan Johar waxaana shaaca laga qaaday in la daawado 7 Sep ee sanadkaan 2018.

Karan Johar ayaa maanta baraha bulshada ku sheegay in mashruucan la daawan doono 28 june ee sanadkaan markii horena waxuu ahaa qorshaha feestada Holi ee sanadkii hore  in la daawado balse hader waxaa loo bedelay in 28 june la daawado