Ka Hor Filimka Laal Singh Chadha Amir Khan Waxaa Lagu Arki Doona Filimka Uu Director ka yahay Nitesh Tiwari

aktarka Amir Khan ayaa dhawaan marka uu u dabaal-dagayay dhalashadiisa waxa uu si rasmi ah shaaca kaga qaaday warbixin ku saabsan filimkiisa xiga waana arin siweyn u farxad galisay taageerayaashiisa madaama la wada sugaayay Superstar-kan xiliga uu ku dhawaaqi doono shaqadiisa xigta dhanka filim jilista.

Amir Khan ayaa waxa uu shaaca ka qaaday inuu samayn doono filim lagu magacaabo Laal Singh Chadha kaaso sheeko ahaan laga soo min guuriyay filimka Hollywood-ka ee Classic ah Forest Gump ee Tom Hanks abaal marino badan ku qaatay sidoo kalena mashruucaan waxaa Director ka ah Adviat Chandan oo horey u sameeyay filimka Secret Superstar.

inkastoo filimkan la daawan doona Diwali 2020  Amir Khan ayaa ka hor waqtigaas waxa uu kasoo muuqan doono filimka uu Director ka yahay Nitesh Tiwari ee Chhichhori kaaso ay hogaamiye ka yihiin aktarada kala ah Shradha Kapoor Iyo Sushant Singh Rajput

iyadoo shabakada Adda Today ay xaqiijisay in Amir Khan ayaa muuqaal muhiim ah ku yeelan doono filimkan kaaso hadda lagu hayo duubista jadwalkiisa ugu dambeeyay kaaso lagu soo gaba-gabayn doono muddo 15 maalin

sidoo kale wararka waxa ay ku darayaan in  Amir Khan ayaa ka helay doorka looga soo bandhigay filimkan iyadoo Amir Khan uusan arrintaan ka diidi karin Nitesh Tiwari kaaso ah Director-kii u sameeyay filimkii weynaa Ee Dangal (2016)