Ka Hor Inta Uusan Guursan Twinkle Khan Akshay Kumar Waxa Uu Doonaayay Inuu Guursado Atariishadan 63 Sano Jir Ah

aktarka bollywoodka ka tirsan ee akshay kumar waa mid soo maray marxalado kala duwan isagoo fanka soo galay isagoo haysan garab iyo caawinaad

waxa waayihiisa fanka ku bilaabay sameynta doorar action ah ka dib markii aflaamo badan ka qasaarayn waxa uu isku badalay sameynta doorka shactirada ah isagoo dusha saartay dhibaato walba oo lasoo gudbay

isagoo maanta taagan heer weyn waxa uuna ka mid yahay aktarada ugu mushaarka badan xiligan akshay kumar waxa hadda u dhaxda atariishada twinkle taaso u guursaday sanadkii 2001

laakiin ka hor atariishadan waxa uu lagu tilaami jiray nin shabeel-naagood isagoo  xariir lasoo sameeyay atariishooyin kala duwan sida raveena tandon shilpa shetty ayesha jhulka pooja barta priyanka chopra

laakiin waxaa jiray in atariisho uu ka balan-qaaday inuu guursan doono taaso aktarkan si weyn usoo jiidatay cid kale maahan ee waa atariishada rekha akshay ayaa si xad-dhaaf ah u jeclaaday rekha iyagoo si weyn isugu soo dhawaadayn inta ay duubaayeen filimka khiladiyon ka khiladi

iyadoo waqtigaas akshay kumar uu shukaansanaayay atariishada raveena tandon isagoo qiyaameeyay raveena isagoo u weecday dhanka iyo rekha iyagoo akshay iyo rekha ay si weyn isaga helayn

kuwaaso go’aan ku gaarayn inay is-guursadaan laakiin muddo yar ka dib waxaa bur-buray xariirkooda laakiin ilaa hadda lama oga sababta ka dambeesay inay kala tagaan labadooda

laakiin waxaa wararka qaar sheegayaan in akshay kumar uu qiyaamay rekha isagoo ka raacay atariishada shilpa shetty