Ka Markii Ay Alia Bhatt Kala Tagayn Siddharth Malhotra Oo Bilaabay Inuu Shukaansado Atariishadan 11 sano Isaga Ka Yar

aktarka Siddhart Malhotra dhawaanahan waxa laga waayay shaashadaha aflaamta isagoo kusoo caan baxay filimkii Student Of The Year sanadkii 2012 waxaana ay filimkaas iskula soo caan baxayn aktarada kala ah Varun Dhawan iyo Alia Bhatt

Siddhart Malhotra waxa lagu dhaleeceeya inuu ka haray akataradii ay isla soo caan baxayn Maadama Varun Dhawan iyo Alia Bhatt ay hadda ka mid yihiin aktarada dhalinta kuwooda ugu mushaarka badan

iyadoo saxaafada ay sheegayn sababta ka dambeesa bur-burka xariirka Alia Bhatt inuu leeyahay aktarka  Siddhart Malhotra sababtoo ah aktarkan waxa uu doonayay inuu xooga saaro dhanka shaqadiisa aflaamta

laakiin aktarkan ayaa dhawaan waxa uu xariir jaceyl kala dhaxeeyay atariishada dhawaan galka ah ee Tara Sutaria taaso 11 sano ka yar isaga

Tara Sutaria ayaa dhawaan waxa ay kusoo caan bixi doonta filimka Student Of The Year qaybtiisa labaad kaaso uu soo saare ka yahay Karan Johar

waxaana dhawr jeer la arkay Tara iyo Siddhart oo waqti isla qaadanaya iyagoo xitaa dhawaan la arkay iyagoo gacmaha is-haystaan una socdaan tiyaatarada si ay usoo daawadaan filimkan Badla

sidoo kale labadan aktar waxa ay duubsi ku wadaan filimka Marjaavan kaaso qayb ay ka yihiin aktarada kala ah Rakul Preet Singh iyo Ritesh Dushmukh waana filim jaceyl iyo qiyaano ah waxaana la daawan doona bartamaha sanadkan