Kaartadii Kowaad Ayaa Laga Soo Bandhigay Filmka Ay Ku Midoobayn Ranveer Singh Iyo Alia Bhatt Ee Gully Boy

Filimka Gully Boy oo ay hogaamiyaal ka yihiin labada ka mid ah aktarada ugu awoodda badan xiligan kuwaaso Ranveer Singh iyo Alia Bhatt halka filimkan ay director ka tahay gabadha lagu magacaabo zoya akhtar

Filimka Gully Boy ayaa ku saabsan nolosha labada raabka wadooyinka Mumbai ku tirin jireen Divine iyo Naezy kuwaas oo riyo kala duwan u rumowday inkastoo ay halgan badan nolosha u galeen.


iyadoo duubista filimkan la bilaabay 14 January sanadkii hore waxaa  lasoo gaba gabeeyay duubistiisa waxaana la daawan doonaa 14 Feb 2019 weliba qaab online ah

hadda waxaa filimkan laga soo bandhigay kaartadii ugu horeesay kaaso kaliya lagu shaaciyay magaca filimka iyo waqtiga ka daawan doono filimkan waxaa doorar muhiim ku leh aktarada kala ah kalki koechlin, ali asgar , parmeet sethi iyo pooja gaur

Filimka Gully Boy waxaa soo saare ka ah shirkada Excell Entertainment ee Farhan Akhtar madax ka yahay waana filim la wada sugaayo oo markii ugu horeesay Ranveer iyo Alia mideeyay