Home ARRIMAHA BULSHADA Kadib markii Miiraan uu Reyan geeyay qasrigooda Aziiza Aslan Bey ma u...

Kadib markii Miiraan uu Reyan geeyay qasrigooda Aziiza Aslan Bey ma u ogolaan doontaa in gurigeeda ku noolaato maxayse Jonul sameyn doontaa? Iyo taxanaha Hercai qeybtiisa somaliga ku turjuman oo meel xiiso leh maraayo.




Taxanaha Hercai oo dhawaan laga sii daayay kanaalka Turkiga ee ATV balse asigoo afsoomaali ku turjuman haatan ka socdo Astaan Drama ayaa meeshii ugu xiisaha badneyd maraya.

Sidaan wada ognahay Aziza Aslan Bey wey ka aarsatay reer Sadoglo iyadoo gabadhooda ku fadeexeysay deegaanka oo dhan sidoo kalana hantidooda wey la wareegtay waxaana u dhiman kaliya in qasrigooda la wareegto.

Hase yeeshee Miran wuxuu aad uga shaleynayaa dhibka uu u geystay Reyan iyo siduu u ceebeystay wuxuuna doonayaa in uu dhaawaca uu u geystay ka baabi’iyo  sidaas owgeed wuxuu soo badbaadinaa nafteeda asigoona keenayo qasrigooda.

Azziza waa naag dhagar badan sidoo kalana caqli badan waxayna dadka kale markasta dheertahay iney tahay qof dagan waxbadana ka fikirta falka ay ku dhaqaaqeyso sidaas owgeed haatan ma dooneyso iney Meran is hor taagto dagaalna la gasho taas badalkeeda siduu rabo ayay u yeeleysaa mana kahor imaaneyso qorshaha Meran uu Reyan ku keenay qasrigooda waxayna Jonul u sheegeysaa in aysan faro gashan arimaha Meran.




Dhanka kale Meran wuxuu ogaanayaa in Azziza ay Reyan ku fadeexeysay magaalada oo dhan halka Reyyan ay ogaan doonto in naagta fadeexeysay ay Meran ayaydiisa tahay.

Arinta ugu qiirada badan waxay tahay marka ay Reyyan suuxdo oo uu Meran soo xambaaro qolkiisana geeyo asigoo sariirtiisa ku seexinaayo hadalada ay markaas dhaheyso Jonul taasoo aad uga cabaneyso in Meran uusan maalina sariirtaas iyada ku seexinin iyadoo xaaskiisa ah balse taas badalkeeda gabadha uu dhalay cadowgiisa ku seexiyay.

Waxayse xaalada kasii daree marka ay Jonul mindi qaadato misna dhuunta iska saarto iyaduu uu Meran ku leeyahay ha is dilin balse waxay ugu jawaabee muxuu yahay farqiga u dhaxeeyo inaad Reyyan inta keentid ama nolosha igu duugtid?




WARARKA UGU DANBEEYAY

Wararkii ugu dambeeyay Koonfur Hindiya: Tamil, Telugu, Malayalam iyo Kannada maxaa ka jiro

  Maalin wanaagsan dhamaan aqristayaasha shabakada Filimside ku xiran kuna soo dhawaadao barnaamijkeena aan idin kula wadaagno warbixino kooban oo ku saab saabsan dhanka fanka...

Ahan Shetty iyo Tara Sutaria filimkooda Tadap oo dib u dhac ku yimid duubistiisa

  Ruug cadaa Suniel Shetty wiilkiisa Ahan Shetty waxaa lagu soo caan bixinaa filimka Telugu ah ee Blockbuster-ka weyn noqday RX 100 oo loo bixiyay...

Rasmi: Filimka The Lion King iyo Isniintiisa kowaad ganacsiga weyn uu sameeyay

  Filimka Hollywood-ka ah The Lion King ayaa hoos u dhac 30% sameeyay Isniintiisa kowaad ganacsi ahaan marka lala bar bar dhigo Jimcadiisii kowaad lacagaha...

Rasmi: Filimka Super 30 iyo ganacsiga adag uu sameeyay Isniintiisa labaad

  Superstar Hrithik Roshan filimkiisa Super 30 ayaa ganacsi adag sameeyay Isniintiisa labaad wuxuuna keenay 3 Crore ($434k) waxayna ka dhigan tahay mudo 11-maalmood ah inu soo...