Home CIYAARAHA Kadib markuu lagu dhawaaqay isku aadka Horyaalka EPL ka akhriso xogtaan ku...

Kadib markuu lagu dhawaaqay isku aadka Horyaalka EPL ka akhriso xogtaan ku anfici doonto.




-Waxaa saakay si rasmi ah loogu dhawaaqay jadwalka isku aadka Horyaalka EPL xili ciyaareedka 2019-2020ka waxaana kasoo baxeen sidii la filaayayba kulamo xiiso iyo xamaasad leh iyadoo kulamada furfuritaanka ay cayaari doonaan kooxaha Manchester United v Chelsea.

-Sanadkaan markii ugu horeysay waxaa laga hirgalin doonaa EPL aalada casriga ee VAR taasoo garsoorka caawin doonto.

-Sidoo kale markii ugu horeysay sanadkaan kooxaha EPL waxaa lasiin doonaa fasax kaasoo ah in bilowga bisha Febraayo fasax helaan kadib markii ay soo badatay cabashada kooxaha EPL siiba kuwa qeybta ka ah tartamada yurub maadaama kooxaha kale ay tartanka kula jiraan helaan fasax xiliga lagu jiro ciid gaaleedka wuxuuna fasaxaan noqon doonaa mudo 2 todobaad.

-Shafield United ayaa markii ugu horeysay mudo 12 sano ah kasoo muuqan doonto tartanka EPL.

-Waxaa bilaan doonto heshiiska cusub ee tabinta horyaalka EPL kaasoo socon doono mudo 3 sano kadib markuu dhamaaday heshiiskii hore.

-Waxaa  la cayaari doonaa 380 cayaarood iyadoo 180 kamid ah Live looga daawan doono gudaha Englan waxaana kala tabin doonaan kanaalada SKY Sports, BT Sports iyo Amazon Prime.

-Kanaalka SKY Sports wuxuu baahin doonaa 128 cayaarood, sidoo kale BT Sports wuxuu baahin doonaa 52 cayaarood halka 20ka cayaarood soo hartayna uu baahin doono Amazon Prime.

-Horyaalka wuxuu si rasmi u bilaaban doonaa 9ka bisha Agosto 2019ka ayadoo lagu furfuri doono kulan Anfield ka dhici doono una dhaxeeyo Liverpool v Norwich wuxuuna dhamaan doonaa 17da May 2020ka.

-Markii ugu dambeysay ay Liverpool kulan furfuritaanka Horyaaka la cayaarto kooxda Norwich wuxuu ahaa 1977dii iyagoo sanadkaasna ku guuleystay Horyaalka.




-Kulanka ugu xiisaha badan isbuuca koowaad waa kulanka dhex mari doono kooxaha Manchester United v Chelsea iyadoo markii ugu dambeysay ay labadaan koox kulan furitaan isku beegmaan ay aheyd xili ciyaareedkii 2004-2005tii waxaana sanadkaas horyaalka la carowday kooxda Chelsea.

-10ka wareeg ee ugu horeeyo Horyaalka EPL waxaan doonaa kulamadaan;

Manchester United v Chelsea.

Manchester City v Tottenham.

Liverpool v Arsenal.

Arsenal v Tottenham.

Chelsea v Liverpool.

Manchester United v Arsenal.

Manchester United v Liverpool.

Liverpool v Tottenham.

-Kulanka ugu weyn ee England Derby (United v Liverpool) waxaa la cayaari doonaa 19ka Oktoobar asigoona ka dhici doono garoonka Old Trafford xili kulanka labaadna la cayaari doono 18da Janaayo wuxuuna ka dhici doonaa Anfield.

-Kulanka ugu xiisaha badan sanadkaan Manchester City v Liverpool lugtiisa koowaad wuxuu ka dhici doonaa garoonka Anfield 9ka November halka lugta labaadna la cayaari doono 4ta April.

-North London Derby waxaa la cayaari doonaa lugtiisa koowaad 31da August asigoona ka dhici doono Emirates Stadium halka lugta labaadna la cayaari doono 25ka April wuxuuna ka dhici doonaa Tottenham Hotspur Stadium.

-Manchester Derby lugta koowaad wuxuu ka dhici doonaa Etihad Stadium waxaana la cayaari doonaa 7da December halka lugta labaad oo ka dhici doonto Old Trafford la cayaari doono 7da Maarso.

-London Derby (Arsenal v Chelsea) waxaa la cayaari doonaa lugta koowaad 28da December kaasoona ka dhici doono Emirates Stadium halka lugta labadaana la cayaari doono 22 Janaayo 2020ka.




WARARKA UGU DANBEEYAY

Wararkii ugu dambeeyay Koonfur Hindiya: Tamil, Telugu, Malayalam iyo Kannada maxaa ka jiro

  Maalin wanaagsan dhamaan aqristayaasha shabakada Filimside ku xiran kuna soo dhawaadao barnaamijkeena aan idin kula wadaagno warbixino kooban oo ku saab saabsan dhanka fanka...

Ahan Shetty iyo Tara Sutaria filimkooda Tadap oo dib u dhac ku yimid duubistiisa

  Ruug cadaa Suniel Shetty wiilkiisa Ahan Shetty waxaa lagu soo caan bixinaa filimka Telugu ah ee Blockbuster-ka weyn noqday RX 100 oo loo bixiyay...

Rasmi: Filimka The Lion King iyo Isniintiisa kowaad ganacsiga weyn uu sameeyay

  Filimka Hollywood-ka ah The Lion King ayaa hoos u dhac 30% sameeyay Isniintiisa kowaad ganacsi ahaan marka lala bar bar dhigo Jimcadiisii kowaad lacagaha...

Rasmi: Filimka Super 30 iyo ganacsiga adag uu sameeyay Isniintiisa labaad

  Superstar Hrithik Roshan filimkiisa Super 30 ayaa ganacsi adag sameeyay Isniintiisa labaad wuxuuna keenay 3 Crore ($434k) waxayna ka dhigan tahay mudo 11-maalmood ah inu soo...