Home Nolosha Jilayaasha Kajol Waa Atiriishada Kaliya Hal Jeer Shumiska Bishimaha Shaashada Ku Sameeyso Askshay...

Kajol Waa Atiriishada Kaliya Hal Jeer Shumiska Bishimaha Shaashada Ku Sameeyso Askshay Ayaana Calfaday Fursadaas!!

 

Atiriishada caanka ah Kajol Devgn waa mid kamid ah atiriishooyinkii ugu xishoodka badnaa Bollywoodka 90-maadkii waxayna inta badan iska diidi jirtay sameeynta muuqaalada dareenka ku dheehan.

Filmsameyaal badan ayee ku gacan seertay oo ay ka diiday sameeynta muuqaalo dareen ah oo atoore la wadaagi laheed iskabadaa shumiska bishimaha kaliya oo hal muuqaal laga sameeyo balse halmar ayee sameeysay shumiska bishimaha waayaheeda fanka hindiya.

Xidigtaan atoorayaal badan ayee ka diiday inee shaashada kula wadaagto shumiska bishimaha waxaa la sheega in filmka Raja Hindustani ay iska diiday maadama muuqaal shumiska bishimaha ah kujiray filmkaas Karisma Kapoor ayaana doorkas ogolaatay oo Aamir Khan la sameeysay.

Balse ma ogtahay akhriste Kajol inee sameysay muuqaalka shumiska bishimaha waxayna la wadaagtay Super Star Akshay Kumar taasi oo ka dhigan Akshay Kumar inuu noqday atooraha kaliya ee abid Kajol shaashada kushumiyaha waliba bishimaha.

Filmkii Yeh Dilagi ayee wada sameyeen xidigahan kaaso la daawaday sanadkii 1994 xiligaaso Kajol magac doon ay ahed weyna ogolaatay muuqaalkan waliba heeska ay wada qaadayaan waa mid goob biyo ah ay kujilayaan isku soo dhowaansho weyn ayaa dhex mareyso Kajol iyo Akki.

Wixii markaas ka dambeeyay Kajol wey iska ilaalin jirtay inee Akshay Kumar film la sameeyso iyado marwalba xasuusan dhacdadii Yeh Dilagi oo ay ku fududaatay inee Akki ka ogolaato muuqaalkaas dareenka isku soo dhowaanshaha shaashada kuwada sameyaan.

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin ku dhufatoXayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Caunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah ku dhufo Mahadsanid…




WARARKA UGU DANBEEYAY

Wararkii ugu dambeeyay Koonfur Hindiya: Tamil, Telugu, Malayalam iyo Kannada maxaa ka jiro

  Maalin wanaagsan dhamaan aqristayaasha shabakada Filimside ku xiran kuna soo dhawaadao barnaamijkeena aan idin kula wadaagno warbixino kooban oo ku saab saabsan dhanka fanka...

Ahan Shetty iyo Tara Sutaria filimkooda Tadap oo dib u dhac ku yimid duubistiisa

  Ruug cadaa Suniel Shetty wiilkiisa Ahan Shetty waxaa lagu soo caan bixinaa filimka Telugu ah ee Blockbuster-ka weyn noqday RX 100 oo loo bixiyay...

Rasmi: Filimka The Lion King iyo Isniintiisa kowaad ganacsiga weyn uu sameeyay

  Filimka Hollywood-ka ah The Lion King ayaa hoos u dhac 30% sameeyay Isniintiisa kowaad ganacsi ahaan marka lala bar bar dhigo Jimcadiisii kowaad lacagaha...

Rasmi: Filimka Super 30 iyo ganacsiga adag uu sameeyay Isniintiisa labaad

  Superstar Hrithik Roshan filimkiisa Super 30 ayaa ganacsi adag sameeyay Isniintiisa labaad wuxuuna keenay 3 Crore ($434k) waxayna ka dhigan tahay mudo 11-maalmood ah inu soo...