Kalank , Housefull 4 , Mission Mangal , Takht: bollywoodka oo is-bahaystayn waxaan dhawaan daawan doona aflaamo lagu mideeyay aktaro waa weyn

sida cad shirkada Bollywoodka ayaa u jawaabaya dadka wax ka sheegaayay aflaamtiisa kaaso sanadihii lasoo gudbay badankood ay guul-daro la kulmaayeen

laakiin sidii loo soo guda galay sanadkan cusub waxaa la arkay aflaamo badan oo bollywood kuwaaso hit  noqdayn iskaba daa inay 100 crore sare u dhaafaan waxa ayna midaas muujinaysa sida uu usoo hormar u sameeyeen filim sameeyaasha bollywoodka

kaliya halkaas kuma hakan doonan markan waxa ay Bollywood meel ay iska dhigayn isla weynida iyagoo markan ka fakirayaan kaliya sidii ay ku gaari lahaayeen horumar balaaran

waxaana dhawaan aan aragnay filimo lagu mideeyay aktaro caan ah sida Kalank kaaso dhawaan la daawan doono halka ay wadada ay kusoo jiraan aflaamo kale oo badan

1. Kalank

Kalank waxaa hogaamiyaal ka ah Sanjay Dutt, Madhuri Dixit, Varun Dhawan, Alia Bhatt, Sonakshi Sinha iyo Aditya Roy Kapur halka Abishek Varman u Director ka yahay waxaa intaas dheer mashruucaan weyn inay maal galiyeen Karan Johar, Sajid Nadiadwala, Hiroo Yash Johar & Apoorva Mehta.

Kalank waxaa la daawan doonaa 17 April 2019 waana filim sheeko ahaan ka hadlaayo 40-maadkii xiliga Hindiya xurnimada qaadanin sida bulshada midda dabaqada sare ay adkeyn inay nolol la wadaagto midda dabadaqa hoose ah filimkan jaceylka iyo sharafka qoyska sida aysan iskula jaan qaadi karin xurnimadii Hindiya ka hor ayaa looga hadlaa.

2. Mission Mangal

Filimka Mission Mangal waxaa hogaamiyaal ka ah Akshay Kumar, Vidya Balan, Taapsee Pannu Sonakshi Sinha, Nithya Menon, Kirti Kulhari iyo Sharman Joshi waana mashruuc si caalami ah loo sameenayo waxaana filimkan Director ka ah Jagan Shakti ayaa Director ka ah halka Akshay Kumar, R Balki iyo shirkada Fox Star Studios soo saarayaal ka yihiin

Filimka Mission Mangal wuxuu ka hadlaa yoolkii dowlada Hindiya ku dhawaaqday 5 November 2013 kaasi oo ku aadan sidii dayax gacmeedka Hindiya iska leedahay meeraha Mars u gaari lahaa

madaama dunida oo idil sahmis ugu jirto in lasoo ogaado in meeraha Mars nolol ka jiro karto ama lagu moolaan karo sida dhulka aan hada ku nool nahay (Earth) oo kale Filimka Mission Mangal waxaa la qorsheenayaa in la daawado 15 Aug 2019 maalinta xurnimada Hindiya

3. Housefull 4

Housefull 4 waxaa wada jilayaan Akshay Kumar, Riteish Deshmukh, Bobby Deol, Sanjay Dutt, Kriti Sanon, Kriti Kharbanda, Pooja Hegde, Chunkey Pandey, Boman Irani & Johnny Lever

Housefull 4 ayaa ah filim shactiro oo ku saleesan xiligaan casriga ah iyo 400-sano ka hor xiliyadii hore taasi oo ka dhigan labo waqti oo kala duwan filimkan lagu soo bandhigi doono waxaan la fahansan in doorarka sida ay noqon doonaan

Housefull 4 waxaa lagu qarash gareen doonaa 200 Crore ka badan qorshahana wuxuu yahay dhamaadka sanadkaan la daawan doonaa Diwali 2019.

4. Takht

Takht waa filim boqortooyo oo lacago fara badan lagu qarash gareenayo waxaa Director iyo soo saare ka ah Karan Johar halka ay wada hogaaminayaan Anil Kapoor,  Kareena Kapoor Khan, Ranveer Singh,Vicky Kaushal, Bhumi Pednekar iyo Janhvi Kapoor.

Filimka Takht wuxuu diirada saaraa boqortooyadii Mughal sidaa darteed Anil Kapoor ayaa ku matalaayo doorka boqor Shah Jahan si uu doorkan kaga run sheego wuxuu wadaa is diyaarin ku aadan doorkiisa asigoo jirkiisa miisaan ku kordhinaayo wuxuuna haatan adeegsadaa raashiin dufta u badan si uu jirkiisa miisaan ugu kordho wuxuuna heestaa mudo bil ah inuu miisaankiisa kordhiyo madaama bisha dambe filimkan shaqadiisa bilaaban doonto

Takht hal sano ayay shaqadiisa socon doontaa madaama uu filim weyn yahay waxaana la qorsheenaa in la daawado 2020 balse bil gaar ah looma asteynin daawashadiisa.