Home BOX OFFICE Kaliya 8 Atoore Ayaa Mega Superstars Noqdeen Taariikh Ahaan Hindiya Iyo Atoorayaasha...

Kaliya 8 Atoore Ayaa Mega Superstars Noqdeen Taariikh Ahaan Hindiya Iyo Atoorayaasha Kusoo Xigaan Ee Superstars Noqdeen!!

 

Fanka jiliinka heerar kala duwan ayuu leeyahay oo atooraha maraayo qofwalba oo warbixin ka doonayo ama inuu wax badan ka ogaada rabana ay waajib tahay inuu fahmo xeerarkaas ama darajooyinkaasa.

Atooraha marka hore waa atoore (Actor) kadib ayuu u dalacaa xidignimo dhameestiran (Star) waxuu usii dalacaa Super Star-nimo ilaa marka dambe uu ka noqdo xidig awoodii ugu saresay helay (Mega Super Star) balse waxaa macquul mararka qaar atoore halmar fagta hore Superstar ku noqon karo oo aan wadadaas dheer soo mareynin ama xidignimo deg deg ah heli karo.

Hadaba waxaan maqaalkan ku kala saareena atoorayaasha Bollywoodka ee darajada Super Star-nimo gaareen iyo kuwa kasii dalaceen ee loo yaqaan Mega Superstars si aad u fahamto halkaan hoose soo eeg.

8 Atoore Bollywoodka ee gaareen darajada Mega Superstar:

KL Saigal (1935-1947)

Dilip Kumar (1948-1965)

Rajesh Khanna (1969-1974)

Dharmendra (1972-1987)

Amitabh Bachchan (1978-1998)

Sunny Deol (1990-2003)

Shahrukh Khan (1995-2018)

Salman Khan (2010-2018)

Sida sare ka muuqato 8 atoore ayaa noqdeen kuwa gaareen Mega Superstar-nimo sababta magacan Box-office-ka ugu dooratay ayaa ah in awoodooda xidignimo (Star Power) kaalmaha sare galeen xiliyo kala duwan iyo waqtiga ugu badan oo mid walba fanka hindiya awood ku heestay.

Shah Rukh Khan 25 sano kudhowaad ayuu 3 atoore sanad walba ugu awooda badan kamid ahaa dhanka kale Amitabh Bachchan iyo Dharmendra waxay BOI u taqaana si gaar ah Mega Superstars oo ah atooryaasha xiliga ugu badan kusoo raaxeesteen Star Power-kooda.

Sidaa aawged 8 atoore sare kuxusan waxay shabakada BOI u bixisay Mega Superstars maadama mid walba awood layaab leh la yimid sanado kala duwana hogaanka fanka hindiya soo hayeen waliba kaalinta kowaad qaarkood 10 sano iyo kabadan oo xiriir ah ayee hogaanka soo hayeen halka kuwa kale 25 sano awood lahaayeen.

Atoorayaasha 10 sano xiriir ah aan hogaanka fanka hindiya qabanin ama Star Power waali ah la imaanin sanado kooban kuwaso Super Star-nimo kaliya ku ek:

Aamir Khan

Jeetandra (Faaris)

Akshay Kumar

Ajay Devgn

Dev Anand

Govinda

Anil Kapoor

Mithun Chakraborty

Hrithik Roshan

Rajendra Kumar

Raj Kapoor

Sanjay Dutt

Jackie Shroff

Sanjeev Kumar

Sunil Dutt

Atoorayaasha sare ka muuqdaan waa kuw Star Power heleen sido kalena guulo taariikhi ah gaareen balse waligood sanado kooban hogaanka fanka hindiya ma aysan qaban ama 10 sano isku xiriir ahba waana sababta aan loo dhihi karin Mega Superstars oo 8 atoore ilaa hada loo diiwaan galiyay.

Aamir Khan ayaa ugu dhowaa darajadan inta liiska hader kujirtay balse jilaagan waxaa caqabad ku noqotay 2 sano ama 3 sano ayuu hal film la imaanayey shaqadiisa joogto ma ahen siduu sanado isku xiga hogaanka u heyn karaa taas ayaa caqabad ku ahed oo Star Power-kiisa sanad walba nusqaan ayuu noqon jiray.

Atoorayaasha Bollywoodka Super Star-nimo aan gaarin balse xidigo dhameestiran noqdeen (Stars)

Bobby Deol

Suniel Shetty

Shatrughan Sinha

Vinod Khanna

Feroz Khan

Kumar Gaurav

Rishi Kapoor

Nana Patekar

Ranbir Kapoor

Ranveer Singh

Varun Dhawan

Tiger Shroff

Shahid Kapoor

Abhishek Bachchan

Shammi Kapoor

John Abraham

4 Atoore xiligaan kudhow inee gaaraan darajada Super Star-nimo:

Ranbir Kapoor, Ranveer Singh, Varun Dhawan iyo Tiger Shroff waa 4 atoore xiligaan shaqeyaan ee ugu dhow darajadan inee u dalacaan hadii ay dadaalka joogteeyaan hubaal ahaan sanadaha soo socdaan si dhaqsi ah waliba wey ku noqon karaan.

Jilaaga waxuu Super Star ku noqon karaa guulaha joogtada ah ee uu sameeyo sida Akshay Kumar iyo Ajay Devgn ay sameyeen oo kale halka atooraha uu Mega Superstar ku noqon karo inuu la yimaado awood waali ah, guulo waali ah si idaba joog ah iyo inuu hogaanka fanka hindiya la wareego Star Power aan caadi aheyna la yimaado.

Hader waad fahamteen ayaan fileynaa farqiga atoorayaasha iyo sida loo kala sareeyo darajooyinkana sidee ukala duwan yihiin qofkii suaal ka qabo in qodob gaar ah la fahamsiiyo wuu na weydiin karaa.

Mahadsanidiin..

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin ku dhufatoXayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Caunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah ku dhufo Mahadsanid…




WARARKA UGU DANBEEYAY

Wararkii ugu dambeeyay Koonfur Hindiya: Tamil, Telugu, Malayalam iyo Kannada maxaa ka jiro

  Maalin wanaagsan dhamaan aqristayaasha shabakada Filimside ku xiran kuna soo dhawaadao barnaamijkeena aan idin kula wadaagno warbixino kooban oo ku saab saabsan dhanka fanka...

Ahan Shetty iyo Tara Sutaria filimkooda Tadap oo dib u dhac ku yimid duubistiisa

  Ruug cadaa Suniel Shetty wiilkiisa Ahan Shetty waxaa lagu soo caan bixinaa filimka Telugu ah ee Blockbuster-ka weyn noqday RX 100 oo loo bixiyay...

Rasmi: Filimka The Lion King iyo Isniintiisa kowaad ganacsiga weyn uu sameeyay

  Filimka Hollywood-ka ah The Lion King ayaa hoos u dhac 30% sameeyay Isniintiisa kowaad ganacsi ahaan marka lala bar bar dhigo Jimcadiisii kowaad lacagaha...

Rasmi: Filimka Super 30 iyo ganacsiga adag uu sameeyay Isniintiisa labaad

  Superstar Hrithik Roshan filimkiisa Super 30 ayaa ganacsi adag sameeyay Isniintiisa labaad wuxuuna keenay 3 Crore ($434k) waxayna ka dhigan tahay mudo 11-maalmood ah inu soo...