Kangana Ranaut” Ma Aroosi Doono Waqti Dhow Sido Kalena Ma Ahi 30 Jir” War Cusub!!

 

Atirishada Kangana Ranaut waa atirisho aan la gamban wax walbo xitaa nolosheeda gaarka ah waxyabaha quseya banaanka ayee soo dhigtaa had iyo jeer waana atirisho aan la gambanin wax walbo.

Xidigtaan ayaa ka qeyb qaadatay showga Indian’s Next Super Stars waxaana wax laga weydiyay guurkeda iyo xiliga ay guursan doonto sido kale waxaa kaloo wax laga weydiyay shaqadeeda.

Kangana ayaa ku jawaabtay sida tan,” Magaranayo sababta bulshadedan ay dumarka ugu guuriyan da’da 30 jir ama marka gabadha 30 sano gaarto.”

“Aniga ma aroosi doono waqti dhow oo mana guursanayo xiligan iyo xili kudhow sido kalena ma ahi 30 jir sidaa ula socda dad qaar iyo shabakadaha qaarba ila daba joogaan Kangana waa 30 jir.”

Hadalka ah  30 jir ma ahi Kangana maxay ula jeeda?

Kangana Ranaut waa 32 jir waqtigaan la joogo maadama ay dhalatay 23 Mar 1986 waxayna kusii dhowdahay inee 33 sano gaarto, marka ma waxay ula jeeda inee 30 sano sare u dhaaftay mise weyba is yareynesa oo 30 jir maba gaarin ayee ka wadaa waa suaasha taagan maanta.