Kangana Ranaut Oo Rohit Shetty Jaceyl U Sheegatay Iskuna Dayday Inee Udhowaato Iyo Rohit Oo Ku Gacan Seeray!!

 

Atirishada Kangana Ranaut waa mid kamid ah xidigaha waqtigaan ugu caansan Bollywoodka iyo waliba atiisho muranka usaaxiib ah.

Hadaba xidigtaan ayaa Rohit iskudayday inee nolosheda kusoo ceshato sido kalena u dhowaatay balse Rohit ayaa gabadhan ka diiday iskana fogeyay.

Akhriste sheekada dhinac kale ha u fahmin ee aan idiin jilcino, Kangana, Rohit iyo walib Karan Johar waxay ka qeyb galeen showga Indian’s Next Super Stars kaaso ay daadihiye ka ahaayen Karan iyo Rohit halka Kangana marti ku ahed.

Hadaba wareysi kadib waxaa dhacday in ay xoogaa ay dadki madadaaliyan waxayna jilaayen jaceyl dareen kudheehan, Karan waa marqaatiga ama macalinka goob joogaha halka atirishada iyo atooraha kala jilaayen Kangana iyo Rohit.

Hadaba muuqaalka khayaaliga ah ee ay jilaayen ayaa ahaa in Kangana ay jaceylkeda soo ceshatos sido kalena u dhowaato oo ay jaceyl dareen kudheehan la wadaagto.

Kangana markee bilawday jiliinkii oo ay u dhowaatay Rohit misane ay taabatay ayuu halmar Rohit hadlay oo uu yiri,” maya maya, waakuma qofka Kangana kaxeen kara oo la haasaawi kara (kkkkk).”

Dadkii goobta joogeen, Kangana, Karan dhamaan halmar ayee wada qosleen maadam uu xidigan Kangana galay oo uu la kaftamay xili muuqaal dareen kudhehan la duubayey muuqalki ayuu dadka ku kala gooyey ayaa la dhihi karaa xidigaan kaftanka badan……