Kangana Ranaut Oo Xayeysiineysa Filmkeeda Manikarnika Iyo Wacdaraha Ay Ka Dhigtay Airport-ga Mumbai (+Sawiro)

Queen of Bollywood Kangana Ranaut waxay ku mashquulsantahay filmkeeda Manikarnika –The Queen of Jhansi kaaso wali howshiisa socoto maadama uu yahay film taariikhi ah xayeysiin balaaran ayeena u sameyneysa mashruucan.

Manikarnika Kangana ayaa Director ka ah qeybaha dambe waana film looga hadlaayo nolosha iyo taariikhda boqoradii qasriga Jhansi ka talin jirtay kahor dhalashada halyeeyga hindiga Gandhi.

Waxaa filmkaan looga hadli doona nolosha boqoradaas min bilaaw ilaa dhamaad iyo sida ay gumeysiga ingiriiska u diidi jirtay iyo dagaaladii ay la gashay ilaa ugu dambeyn laga dilay oo ay ku geeriyotay iyadoo dagaal kujirta.

Hadaba Kangana ayaa masuuliyada mashruucan dusha saaratay iyadoo doorkii Rani Lakshmi Bai sameen doonto xili ficilo dagaal halis ah ay shaashada kusoo bandhigeyso sanadka dambe ayaana la daawan doona.

Kangana ayaa la arkay subaxan iyadoo kasii baxeysa Airport-ga Mumbai waxayna ku guda jirtaa xayeysiinta filmkeeda Manikarnika sidaa aawged gobolada India ayee socdaal kutageysa si ay u balaariso xayeysiinta balse labis heer sare ah iyo xarago hor leh ayee dadka kusoo jiidatay subaxan xidigtaan.

Waxay kamid tahay atirishooyinka kuwooda ugu Fashion-ka wanaagsan mashruuceda Manikarnika waxaa la daawan doona 25 bishaan Janaayo 2019 sida la filaayo halkaan hoose ka daawo sawirada Ranaut laga soo qabtay.