Kangana Walaashed Rangoli Oo U Soo Jawaab Celisay Alia Bhatt Hooyaded”Mahesh Bhatt Waa Ninka Walaashey Kangana Wajiga Kab Oga Dhuftay,Sirta Ka Dambeysa Guusha Alia Bhatt Waa La Ogyahay”

Dadka badankooda ma oga in Kangana Ranaut ay la dhalatay mid iyada ka daran oo lagu magacaabo Rangoli waa gabar ad-adag sido kalena ka daran hadal kuleelka iyo indha adeega Kangana ay leedahay.

Waxay usoo jawaab celisay Alia Bhatt hooyaded oo horey usheegtay in Kangana uusoo caan bixiyay Mahesh Bhatt waxay tiri Rangoli oo arinkaan ka jawaabeysa,”qaalideydii marwa Soni (Alia hooyaded ayee kawadaa) ogsoonow oo maanka ku haay in Mahesh Bhatt (Qarash gareeyaha filmka kowaad Kangana) uusan soo caan bixinin Kangana Ranaut ee waxaa soo caan bixiyay Anurag Basu (Director-ka filmka kowaad ee Kangana) mudane Mahesh Bhatt waa Filmsameye qibrad badan balse ka shaqeya shirkadaha ay walaalihiis leeyihiin.”

“Malahan isaga shirkad gaar u ah oo magaciisa ku lifaaqan kaliya shirkada filmada sameyaan ee walaalihiis leeyihiin ayuu aflaamta ku maalgashtaa, dhanka kale kadib Filmka Woh Lamhe oo ay Kangana u sameeysay Mahesh waxay iska diiday filmkiisa xigay ee Dhokha ee uu isaga qoray sheekadiisa maadama door ahaan ay dhaliishay Kangana doorkeda filmka.”

“Maxuu sameeyay intuu gabadhii xafiiskisa dhagaha oga qeyliyay ayuu soo buriyay hadana goobta lagu daawanaayey filmka Woh Lamhe tijaabo ahaan ayee tagtay si ay mashruuceda usoo tijaabiso wixi howl qabyo ka ah markaas ayuu dadka hortooda kabtiisa ugu tuuray xiligaasna Kangana 19 jir kaliya ayee ahed.”

“Ninkaas ayaa na leedahay sharaf ayuu leeyahay adiga iyo ninkaada iyo gabadhaadaba dadka ma sharaftaan Mahesh walaashey si xun ayuu u aflagaadeyay sharafteedana wuu ki ciyaaray markee fanka kucusbed qofna ma yeeli laheen in kab dadka hortooda laguugu soo tuuro adigo atiriisho ah.”

Oraahdan markee baraha bulshada kuso qortay ayaaa mid kamid ah isticmaalayaasha baraha bulshada sheegay in qofka qoraalkan soo qoray Kangana tahay oo ciwaanka walaashed Rangoli isticmaaleyso waxay ugu jawaabtay qofkaas sida tan.

“Ma Kangana ayaa ciwaankeyga isticmaaleyso waxaan jeclaan lahaa hal maalin in aan aniga iyo Kangana wareysi si Live ah soo wada fariisano si dadka u wada ogaadaa xaqiiqada balse maalinkas cidna ima celin karto waxaadna arki doontaan inaan ka daranahay Kangana.”

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin Oo Ku Dhufato Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah Kudhufo Mahadsanid…

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*