Kannada Way Hormartay: Sanjay Dutt Iyo Sivagami Waxaa Lagu Soo Daray Yash Filimkiisa KGF Qaybtiisa Labaad

xidiga reer kannada ninka lagu magacaabo mani yash waxa uu dhawaan si weyn u qabsaday dhamaan tiyaatarada dalka india ka dib markii tiyaaatarada loo saaray filimkiisa weyn ee KGF qaybtiisa kowaad

filimkan waxa uu blockbuster ka noqday luuqad walba oo lagu daawaday dhamaan luuqadaha dalka india sida telegu kannada malayalam tamil iyo hindi

hadal-haynta saxaafada waxaa maanta haysata shirkadda kollywood weliba filimka yash kgf ka dib markii qaybtiisa kowaad u gaaray guul weyn waxaa si weyn loo xiiseenaya samaynta qaybtiisa labaad kaaso duubistiisa la Bilaabi-Doono bisha april 2019

iyadoo warkan laga soo xigtay majalada ka hawl-gasha dhanka iyo koonfura ee sandalwood media taaso sheegtay in kooxda filimkan hadda ay ku dhaqaaqayn arrin weyn taaso si siyaadinaysaa xiisaha iyo hadal-haynta filimkan

iyagoo shaaciyeen in mashruucan lagu soo daray labada shaqsi kala ah sanjay dutt kaaso kooxda  filmkan ay doonayaan inay aktarkan u dhiibaan door weyn kaaso saamayn leh sidoo kale waxaa filimkan lagu soo daray atariishada lagu magacaabo  ramya krishna

yaaba hilmaami kara doorkaydii  raj mata sivagami devi filimka baahubali labadiisa qaybood taaso ahayd hooyada dhashay laadarka rana daggubati soona korisay aktarka filimkaas ee prabhas iyadoo jili doonta doorka madaxweynaha dalka india filimkan

mana ahan markii ugu horeesay oo sanjay dutt iyo ramya krishna ay filim ku midoobaan iyagoo hore u sameeyeen filimka khalnayak kaaso la daawaday sanadkii 199 filimkan waxaa director ka ah ninka lagu magacaabo prashanth neel

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*