Karan Johar ayaa raali galin biixda ka bixiyay qaladkii uu ka galay Srk Laakiin waxa uu ku mar mar siyooday in Twitter-kiisa wax badan ka qaldan yihin

Dhawaan ayaa ninka caanka ah ee Karan Johar ayaa waxa uu  baraha bulshada ka abuuray xasarad hor leh iyo dagaal dadban madaama uu Karan Johar Like saaray ama uu jeclaaday taageerayaasha Akshay Kumar qoraal aflagaado ku dheehan ay Twitter-ka soo dhigeen kuna weerareen Shah Rukh Khan!

iyadoo arrintaas ay noqotay mid si weyn ugu faafto baraha bulshada  ka dib markii ay arrintaas soo dhex-galayn Taageerayaasha aktarka shah rukh khan kuwaaso si weyn u dhaleeceeyeen karan johar iyagoo adeegsanaayo qoraalka #ShameOnKaranJohar

laakiin Karan Johar marka uu arkay arrinkan inuu gaaray halkii ugu sareesay ayaa waxa uu bilaabay inuu Raali-gelin ka bixiyo ficilkii uu sameeyay si uu u dajiyo marxalada kacsan iyo xanaaqa Taageerayaasha aktarka shah rukh khan

Karan Johar ayaa waxa uu bartiisa Twitter aoo dhigay fariin uu ku Raali-gelinayo saaxiibkiisa shahrukh khan isagoo yiri ” Asxaabta waxaa idin sheegaya inay dhibaato iga haysata cinwaankeega  twitter! waxaana ka socda Waxyaalo qariib ah! Ka soo aan  aniga ogayn kuwaaso soo geliya sawirada  iyo waxyaabaha kale,

Anigu ma fiiriyo warbixinada kale sidoo kale xitaa mararka qaar Twitter ka waxbaa kama akhriyo ! Fadlan ii aamina, waxaan raaligelinayaa ka bixinyaa wixii dhib ah ee dhacay!!”