Kareena Kapoor Khan Mise Elizabeth Hurley: Yaa Ku Qurxoon Labiskaan Todobaadka!!

Atirishaada Kareena Kapoor Khan ayaa ku guda jirta sameeynta Fashion horleh sanadkaan 2019 waxayana durba Fashion usameeysay naqshadeeyaha caanka ah Manish Malhotra oo bandhig Fashion qabtay.

Manish waa nin looga haray sameeynta Fashion kala nooc ah ilaa 90-maadkii ayuuna lasoo shaqeynaayey xidigaha Bollywoodka atirishooyin badan ayuuna u sameeyay Fashion iyo naqshada dharkooda laga soo bilaawo Sridevi.

Hadaba waxaa la isku bar bardhigay labiska ay sidato Kareena Kapoor khan kaso aan maalmo kahor idiin la wadaagnay qiimaha uu suuqa ka joogo waxaana lagu sheegay $5,000 dollar in la iibiyo ama la gado.

Labiska Bebo iyo midka ay sidato atirishada caalamiga ah ee Elizabeth Hurley taaso u dhalatay dalka England hadaba akhriste adiga u codeey atirishada kusoo jiidashada badan labiskaan baluuga ah.

Dhanka shaqada Bebo waxay mardhow duuubis ku bilaawi doonta filmka Good News ee ay atirishada kowaad ka tahay waxaana la hogaamin doonan Akshay Kumar, Kiara Advani iyo kuwa kale sanadkan ayaana la wada sugaya.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*