Karisma Kapoor Oo Maanta Dadka Waayo Waayo Xasuusisay Iyo Sawir Iyada Iyo Salman Khan Ah!!

Atirishada caanka ah Karisma Kapoor ee awooda balaaran fanka ku heesatay qeybihi dambe ee 90-maadkii ilaa bilaawgii qarnigaan ayaa manata baraha bulshada soo dhigtay sawir xasuus ah.

Sawirka waxaa kasoo wada muuqdeen Karisma iyo Salman Khan waxayna soo raacisay qoraalkan,”haye asaxaabta ma garan kartaan sawirkaan aniga iyo Salman Khan ah filmka uu ka turjumaayo.”

Filmka ay Karisma taageerayaasheda weydiisay waa filmkii Dulhan Hum Le Jaayenge ee la daawaday sanadkii 2000 waa film jaceyl iyo shactiro isku dhex jira ah guul wacana gaaray isagoo Hit dhameestiran noqday labadooda ayaana hogaamiyaal ka ahayen waana mashruuca Soomalida u taqaano filmka 3 abti.

Salman Khan iyo Karisma Kapoor waxay kamid ahaayen lamaanayaasha shaashada kuwood loogu jecel yahay aflaam badana wey wada sameyeen waxaa kamid ah filmadaas Chal Mere Bhai, Hum Saath Saath Hai, Biwi No 1, Judwaa iyo kuwa kale oo badan.

Dhanka shaqada Karisma Kapoor markaan da’ ayaaba heysa oo waxay inta badan waqtigeeda siisa qoyskeeda iyo caruuteda halka Salman Khan wali howshiisa wato waxuuna ku mashquulsan yahay xidigaan mashruucisa Bharat.

Waan jeclaan laheen hadii markale shaashada kasoo wada muuqan lahayen xidigahan waa hubaal Karisma hadee dib usoo laabato inee saameyn weyn la imaan doonto waliba waa atirisho is heysa.