KASHIFAAD: Tani Waa Marka Ay U Badan Tahay Inay Xaaskaagu Ku Khiyaanto, Iskana Ilaali Dumarka Shaqeeya!

Baaritaan cusub oo la sameeyey ayaa daaha looga qaaday waqtiga ay ugu badan tahay inay dumarka khiyaamaan ragga uu xiriirka jaceyl kala dhexeeyo ama ay u dhaxaan.

Baaritaankaan cusub ee la sameeyey ayaana niyadjab ku ah ragga xaasaska leh ee baqdinta weyn ka qaba inay xaasaskoodu khiyaami karaan.

Khubarada sameysay baaritaankaan ayaa daaha ka qaaday in dumarku ay inta badan khiyaamaan ragga ay u dhaxaan ama ay jecel yihiin marka uu aqalkoodu dhisan yahay lix illaa 10 sanno.

Sahankaan ayaa waxaa lagu wareystay in ka badan kun shaqsi oo uu saameyn ku leeyahay, 423 shaqsi ayaana sheegay in xiriirkoodu markii uu dheeraaday ay khiyaano soo dhex gashay, sida lagu daabacay majaladda The Sun oo kaashaneysa Journal of Sex Research.

Sidaas darteed warbixintaan waxaa lagu sheegay in aysan dumarku inta badan khiyaamin raggooda sannadaha ugu horreeya guurkooda. Laakiin marba haddii 10 sanno loo dhowaado ay u badan tahay inay nin cusub raadsadaan, waxaana ugu wacan cadaadiska caruurta iyo mudada dheer ee ay halkaas nin la nooleyd.

Dhanka ragga, isbedel ayaa ka jira waana ay ka dulqaad badan yihiin dumarka – 11 sanno ama wax ka badan marka uu hal xaas la nool yahay waxaa la sheegay inay u badan tahay inuu ninku cosob sahansado.

Baaritaankaan ayaa sidoo kale taabanaya in aan marnaba lagu kalsoonaan karin dumarka shaqeeya oo inta badan raggooda khiyaama. Baaritaankaan waxaa sameeyey khubaro u dhashay Britain.